Deeq Raashin iyo lacago la gaarsiisey Barakacayaasha Abaaraha Baardheere iyo Bukaano (Video Sawwiro)

bardhere

Gargaarka raashineed ee la siiyey Qoysaskan Brakacayaasha ee degan duleedka Baardheere ayaa isugu jirey Bariis iyo Saliid, Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha,kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha, waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka iyo lacagta la siiyey bukaanada goob joog ka ahaa Maamulka
degmada, Masuuliyiinta HORMUUD Baardheere iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Xareed Xuseen C/salaam oo ah Wakiilka shirkada Hormuud Baardheere ayaa sheegay Gargaarkani raashineed inuu yahay deeq lacageed oo ka timid Xarunta dhexe ee HORMUUD FOUNDATION si loogu gargaaro dadka ku barakacay Abaaraha ee degan Xeryaha barakacayaasha ee k u yaala duleedka degmada iyo bukaanada ku jira Isbitaalka Baardheere ee la
liita Cudurka shuabn biyoodka.

Sidoo kale Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashineed iyo mida lacageed ee loo qeybiyey Barakacayaasha iyo bukaanada uu yahay mid wax ka tari doono nolosha dadka liita,xilligan oo uu tilmaamay dadka deegaanka in ay isugu darsameen barakac iyo cuduro, waxuuna Hormuud uu ku amaanay sida ay jawaabta ugu bixisey Baaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyey.

Waxuuna ugu baaqey Shirkadaha kale ee ganacsiga kana howlgala degmada in ay ka qeyb qaatan gurmadka bini,aadinimo eeloo fidiniyo dadka ku
barakacay abaaraha ee la daala dhacaya gaajada iyo xanuunka shubanka.

bardh

bardhere

bardhere

bardhere

bardhere

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.