Shirka Dahabshiil oo deeq Raashin ah gaarsiisey Barakacayaasha Abaaraha ee degan Duleedka Baardheere(Sawiro)

Shirkada Dahabshiil Xafiiskeeda Baardheere ayaa maanta waxay deeq raashin ah ay gaasiiyeen Boqolaal qoys oo Barakacayaal ah,degana duleedka Magaalada Baardheere kana kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J/Dhexe,kuwaasi oo bilahii u dambeeyey ka cabanayey daruufo xaga nolosha ah.

Gargaarka raashineed ee la siiyey Qoysaskan ayaa isugu irey Bariis iyo Saliid,Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha,kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha,,waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka goob joog ka ahaa Maamulka degmada,Mas,uuliyiinta Dahabshiil
Baardheere iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha .

Cali Maxamuud Garaad oo ah Maamulaha Xarunta Shirkada Dahabhiil Baardheere ayaa sheegay Gargaarkani raashineed inuu yahay deeq lacageed oo ka timid Xarunta dhexe ee Dabashiil si loogu gargaaro
dadka ku barakacay Abaaraha ee degan Xeryaha barakacayaasha eek u yaala duleedka degmada.

Sidoo kale Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashineed ee loo qeybiyey Barakacayaasha uu yahay kii ugu badnaa ee la soo gaarsiiyo deegaanka,waxuuna Dahabshiil ku amaanay sida ay jawaabta ugu bixisey Baaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyey Waxuuna ugu baaqey Shirkadaha kale ee ganacsiga kana howlgala degmada in ay ka qeyb qaatan gurmadka bini,aadinimo eeloo fidiniyo dadka ku barakacay abaaraha ee la daala dhacaya gaajada iyo xanuunka shubanka.
bardhe

bardhere

bardhere

bardher

bardheere

bardhere

bardher

bardhe

bardhe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.