Afhayeenka jubalnd oo ka Hadley Xarige jubalnd loogu geestay wariyaal iyo Xildhibaan ka tirsan jubalnd iyo Wariye Abdulkaadir jiijiile oo wareystay Afhayeenka daawo waxa kala qabsadey.

jiijile

Wareysi Gaar ah oo uu TV ga Somali Cable siiyay Afhayeenka Laamaha Amaanka ee Jubbaland Axmed Carab ayuu ku dafiray dhacdooyin ka dhacay Magaalada Kismaayo, Soosaraha Barnaamijka Wariye Cabdiqaadir Jiijiile ayaa weydiiyay Su’aal aheyd sababta Xildhibaan Shuceyb oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Jubbaland xabsiga loo dhiga isagoo xasaanad leh.

Axmed Carab ayaa gabi ahaanba beeniyey jiritaanka in la xiray.Xildhibaan Shuceyb oo muddo sadex maalin kabadan kuxirnaa xarunta Nabad sugidda ee magaalada Kismaayo wuxuu ku dooday in warkaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Dhinaca kale waxa uu beeniyey jiritaanka in Jubbaland ay caburin xoogan ku hayso saxaafadda madaxa banaan iaagoo dhinaca kalane been iyo dacaayad ku tilmaamay, xarig loo geystay wariyayaasha ay kamidka yihiin Cumar Yaasiin Maxamed Qaasim Waxar iyo Saabir cabdiqaadir Warsame oo xarig cagajugleyn iyo shaqa kajoojinba la isugu daray.

Wareysigan oo ah mid xiiso badan dhinacyo badane taabanaya Hoos Ka daawo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.