Madaxweyne Soomaliya oo qaabilay Safiirka Jarmalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Jermalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, waxayna ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii Taariikhiga ahaa ee labada dal, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Fedraalku ay diyaar u tahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyey Jermalka iyo Soomaaliya, xilligaanna ay aad uga muhiimsan tahay marxaladihii la soo maray.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale kala hadlay Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jermalka gacan ka geysato gurmadka dadka ay aafeeyeen abaaraha.

farmajo

farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.