Waa la gaaray waqtigii dadweynuhu garan lahaa khatarta dawlad gobolayadu qaranka jiritaankiisa u leeyihiin W/q Jimcaale

jim

Ma dhawa taariikhda dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay yeesheen cadaw joogto ah waxaana is iri malaha waxay lafac tahay tan iyo waagii qoonkii Maroodiyaasha(ASAXAABU FIIL),taas xaqiiqdeeda aan u daayo taariikh yahanada arintaas igaga xeelheer,waxaanse ku adkaysan karaa in tan iyo markii Islaamku soo gaaray Geeska Afrika ee aan ku nool nahay aanu lahayn cadaw soo jireen ah oo aan marna ka nasan dibindaabyada Ummadda Soomaaliyeed ,khatar joogto ahna ku hayey dalweynahii Soomaaliya,arintaan waatan markii dawladahii caddaanka ahaa ee ay isku diinta ahaayeen cadawga soo jireenka ah ee aanu leenahay ay la wadaageen in dalweynihii Soomaaliya loo qaybiyo shan qaybood markii danbana meel ka mid ah lagu wareejiyey.

Yaa qalbiyada shacbiga Soomaaliyeed ka tiray dhacdooyinkaan ina soo maray waqtiyada badan haddana kala fogaa oon sina loo iloobi Karin sida;-

1-Taariikhdii Axmed Gureey iyo maamulkii Abaysiina ee Islaam la dirirka ahaa.

2-Halgankii taariikhda reebay ee gobanimo doonkii Daraawiishta ee noqday

gobanimadoonkii ugu horeyey ee diyaarad lagula diriro.

3-Dabkii ay shideen xisbiyadii SYL iyo SNL ee Jamhuuriyada Soomaaliya sameeyey,gumeystihiina barqo cad dhaqaajiyey hadafkooduna ahaa midnimada Soomaaliweyn.

4-Saraakiishii Kacaankii Oktoobar ee uu hoggaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo halkii aan weligeen ku taameynay markii aan gaarnay1977kii labadii quwadood ee adduunyada ka jirtay isku kaaya kaashadeen si naloo jabyo.

Inta aana dulucda cinwaanka u gubin aan idin xasuusiyo intiina waxgaradkii waagaas ka hartay iyo inta soo kortay kadibba in jabkii na gaaray markii Naato iyo Waarso iskugu kaaya tageen cadawgii soo jireenka ahaa ee geeska Afrika nagula noolaa ay u muuqatay fursad ay jilbaha dhulka noogu dhigi karaan,waxayna iskama khasaarine u gacan haatiyeen,siyaasiyiin iyo saraakiil

xukun jacayl ka buuxsamay,muddadii saraakiishii kacaanka dalka haysteena ku dheeraatay,waxaase xaqiiqa in aan dan loo hayn laakiin damacooda liitay looga faa,ideystay in dal dhisan oo aan balaayo ka jirin ay qabyaalad ku kala qaybiyaan ,kana abuuraan mucaarad qabyaaladeysan,danaha cadwga dalkana fuliya si mar un xooggii gaamuray ee Qaranka Soomaaliya loo waayo,waana dhacday arintaasi ,1991kii biloowgeedii wixii cadawgu ku taamayey buu gaaray,waxaana meesha ka baxday dawladii qaranka Soomaaliya ee dalalka Afrika kuwa u itaalka roon ka mid ahayd.

Ilaa maalinkaas waxaa naloo adeegsaday wajiyo badan si aanaan u soo kaban mar kastana qabyaalada baa marba dhinac furaha loogu rogaayey sida,Dagaaloogayaal,kooxdiimeedyo iyo ugu denbayntii dawlad goboleedyo qabyaaladeysan markastana waxay ka faa,ideysanayeen kuwii in mar un madax noqdaan u daroogoobay miyir kalana lahayn, danta dalka iyo dadka Cadawgu ka indhasaabay ilaa ugu danbeyntii ay noo kala jarjareen dwalado yar yar oo qabyaaladeysan,in kasta oo calamada khayrka daran dad u sacaba tumeen shaki ma leh in waxgarad badani khatarta arkaayeen in aan lagu caana maali doonin ee ay tahay shirqoolkii ugu danbeeyey ee cadawga soo jireenkaa,ayyada oo ay xusud mudan tahay in aysan jirin meel shacbiga Soomaaliyeed looga qaaday afti ay federal ku doorteen.

Haddaba manta waxaa la gaaray in shacbiga Soomaaliyeed gaareen xaqiiqda waxa loola jeeday federal iyo dhibaatada haysata dadkii ku hoos noolaa calamadii macmalka ahaa ee cadawgu noo sameeyey iyo fashilka aan kala harka lahayn ee ku wada habsaday madaxweynayaashii faraha badnaa ee cadawgu noo sameeyey;-

-Cabdikariin Guuleedkii Gal mudug daadkaa qaaday.

-Cabdi/Weli Gaaskii Buntilaand qar dheer buu ka laalaadaa.

-Cali Cosoblihii Hirshabeele mindidaa ku ag mudan.

-Shariif Xassan SH. Aden haadaan buu dul taagan yahay.

-Axmed madoobana waan ka warsugaynaa(ninkii kheyrki loo xiirow soo qoyso aduguna).

-Siilaanyihii Gobolada Waqooyi iyo saaxiibadiis gooni u goosadka ahaa waa jawareereen oo walaaladood Itoobiya iyo cadawgeedii oo Imaaraadka ah bay Berbera wadaajiyeen sow arintu uma eka Jiir iyo bisad baan guri wada dejinayaa,shacbiga Gobolada waqooyi ee aqoonsi loo waayey 26 sano arintaan ma ka gadmeysaa?

Aan ku soo ururiyo waxaa ii muuqata rajo cusub shacbigii la kala dilay oo isku calool ah,balanteenu waa midnimo iyo xayndaadyada cadawga oo aan burburino, dalka iyo diintuna difaac bay naga rabaa,Wabilaahi Towfiiq
W/QCabdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.