Madaxweyne Soomaliya ayaa ku amray saraakiisha ciidanka in ay ka jawaabaan dilalka ka dhaca Muqdisho

shir degdeg ah oo u dhexeeyey madaxweyne Soomaliya iyo madaxada laamaha amaanka oo ku saabsanaa nabadgelyada ayaa kadhacay Muqdisho, Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Nabad Sugida, Milatariga, Abaanduulaha XDS, iyo taliyayaasha Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Soomaliya oo dalbaday kulankan ayaa Saraakiisha usheegay inaan la aqbali karin falalka dilka iyo amaan xumada kajirata Muqsisho Waxa uu Saraakiisha faray iney si degdeg ah kusoo qabtaan dadka ka danbeeyay dilalkii qorsheysnaa ee Muqdisho ka dhacday Todobaadyadii ugu danbeeyay .

Saraakiisha ayuu u sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in maalin kasta Muqdisho dilal ay ka dhacaan isla mar ahaantaasina aaney gacanta lagu soo dhigin dadka wax dilay oo lagu soo koobo warka oo kaliya Kooxihii wax dilay ayaa baxsaday.

Madaxweyne Soomaliya ayaa Saraakiishii uu maanta la kulmay u sheegay in loo baahanyahay in gacanta lagu soo dhigo danbiilayaasha ama Xilalka ay dowladda ka hayaan iska tiriyaan taliyayaasha si loo soo magacaabo qof wax ka qaban kara amni darada kusoo badatay maalmahan Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.