Ra’iisal WasaarahaSoomaliya Xasan Cali Khayre oo xilka la wareegey

Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degay Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaana goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisul Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha Wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka, wuxuuna kula taliyay Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Mudane Cumar iyo golihiisa Wasiirada sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

xasan

khayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.