Madaxwaynaha Puntland Oo Xadhiga Ka Jaray Shirkada Shidaalka Diyaaradaha

gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee Shirkada DS, waxaana uu dhismuhu ku dhexyaalaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso International Airport.

Munaasabadaan madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, gudoomiyaha gobolka Bari, masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.