Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Boosaso Soo Gaaray

gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntlabnd, waxayna kasoo laabteen magaalada Muqdisho iyagoo ka qayb galay munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehelinayay Guddoomiyahya Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dawladda iyo saraakiil ka mid ah Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.