Qarax ka dhacay Xarunta maamul goboleed ka Hirshabeele Jowhar

qarax

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in qarax xoogan in uu ka dhacay gudaha Magaaladas, Qaraxa oo ahaa bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray sida ay inoo sheegeen dad Magaaladaas ku sugan Xarun ay ku sugnaayen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaliya.

Lama soo sheegin khasaaro ka dhashay Qaraxaasi ka dhacay Magaaladaasi Xaalada Magaalada Jowhar ayaa daqiiqado kadib ay noqotay mid deggan marka loo eego jawiga sida uu isku badelay markii jugta Qaraxa la maqlay Ciidanka Amaanka Magaaladaasi ayaa waxay maanta sidoo kale sheegeen inay soo bixiyeen miino lagu qariyey Gasaca Caana Booraha oo aan qarxin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.