Madaxweynaha Soomaliya oo ka Farxiyey Hogaamiyaha Jubbaland

farmajo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa booqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaliya iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah yeeshay ayaa kawada hadlay xaalada uu dalku marayo gaar ahaan isbadalka ku yimid Siyaasada dalka iyo qaabkii Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay u wada shaqayn lahayeen.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay sidii dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Jubba-land isaga kaashan lahaayeen dagaalka dalka loogu saarayo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wali ku xoogan deeganada Maamulka Jubbaland.

Madaxwaynaha Soomaliya ayaa ubalan qaaday in dawladu kala shaqeynayso sidii maamulka Jubbaland looga caawin lahaa dagaaalanka Al-shabaab arintaan oo culays wayn ku haysay maamulka Jubbaland.
farmaajofarmajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.