Maxaa isku midka ka dhigay eedeynta Al Shabaab iyo tii warbaahinta Itoobiya ee ku saabsanayd doorashada Madaxweyne Farmaajo?

maqa

Ninka sheegtay ditoorka Al Shabaabka ah ee 14kii Feeberaayo fidiyowka lagu wareysanaayo laga soo duubay kana hadlaya MADAXWEYNE FARMAAJO ,waxba ma halayn ee dhiirigelin buu na siiyey aan rabitaankeena ku difaacno iyo Madaxweyne Faramaajo,wuxuu noo bidhaamiyey in cadawga dalka ee soo jireenka ah iyo Kooxda Al Shabaab ay isku hadaf yihiin.Waa faaladii labaad oo mucaaraday doorashada Madaxweyne Farmaajo kana naxday guusha ka soo hoyatay rabitaankii shacbiga Soomaaliyeed,waxaana ku ciladaynayaa hadalka raqiiska ahaa oo Al Shabaab warbaahinta Al Shabaaab ku wareysatay ninka ditoorka sheegtay ee magaciisa qariyey arimahaan hoose;-

1-Marka ugu horeysa rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed in Madaxweyne Farmaajo dalka hogaamiyo, waxay qof kasta oo Soomaali ah maankiisa ku jirtay kuna guuxayeen mudo intaan xasuusto shan sano ah taas oo ka horeysay Xassan Shiikh Maxamuud inta aan shacbigu baran sanad ka hor,waxaana Allaha weyni aqbalay riyadii shacbiga 08/02/2017(Codka shacbiga waa kan Alle)maah maah baa dhahda,arintaana saas bay iila egtahay.

2-Waxaa uga horeyey ninkaan ditoorka Al Shabaabka sheegtay in ay wax ka sheegaan Warbaahinta Itoobiya oo ku sheegtay maalin madow ee u soo hoyetay shacuubta Itoobiya doorashada Madaxweyne Farmaajo,kuna sifeeyey nin neceybka Itoobiya ka buuxo,sidaas si le,eg wuxuu ditoorka Al Shabaabka ah sheegay in Madaxweyne farmaajo yahay cadawga Al Shabaab. ,sidaas awgeed waxaan is weydiiyey waxa isku cadawga ka dhigay Itoobiya iyo Al shabaabka.Waa arin u soo baxady shacbiga Soomaaliya oo mudan in ay wax ku qaybsadaan.

3-Waxay xambarsaneyd eedaynta Al Shabaab in aanu nahay murtidiin doortay murtid.

Isku soo wada duub dadka Soomaaliyeed boqolkiiba boqol waa muslim ,waxay taageero aan loo kala harin iyo rabitaan ka sii horeeyey u muujiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed(Farmaajo),sidaas baana

Alshabaab ku gaaleysiiyeen dhammaanteen,waxaana la hubaa in ciddii cid kale ee muslim ah gaaleysa sida gabuunka qaansada laga tuuro u ordo oo kale buu uga baxaa diinta Islaamka.Masaladaan waa arin khatar ah,waana waxa ay ummadda iyo dhalinyarada ku qaldaan,sidaas awgeed Culumada Diinta ehelka u ah waxaan u soo jeedinayaa in ayyan ka aamusin,xilbaa ka saran in shacbiga aan la baadiyeyn,fadlan ka hadla oo gaalnimada meesha ay leedahay saara.

* Waxaa Qoray Liibaan Guulwade.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.