Dhageyso:Puntland oo wax kama jiraan ku tilmaantey Heshiiska Maamulada Khaatumo iyo Somaliland

camey

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ka hadlay heshiiska ay wada-galeen Xukuumadda Soomali-land iyo Maamulka Khaatumo State, kuwaasi oo ku heshiiyay in hal meel ugu soo wada jeestaan Maamulka Puntland.

Eng Camey ayaa sheegay in raadinta dhulka ka maqan Puntland aysan u oolayn dowladda oo kaliya haseyeeshee ay tahay waajibaad u yaal dhammaan umadda reer Puntland,waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Cali Khaliif ee ahaa in Soomaaliland iyo Khaatumo ay Puntland u midoobayaan uu yahay mid layska yiri, islamarkaana aysan wax dan ahi wadin shacabka Khaatumo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.