Musharaxiin isaga baxay Doodii Maanta Kadib Markii Tvga Live looga dayn waayey internetka oo lajaray

musharaxin

Qaar ka mid ah 24 Musharaxa ee u taagan in ay u tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Bilaabay Dooda,waxaana Doodu ay ka bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka.
Dooda oo Mudo Kooban socotay ayaa lagu Wargeliyay Musharaxiinta in Dooda ay leeyihiin aysan Live aheyn oo aan laga daawaneyn Tv-yada.
Intaa ka dib ayaa Musharaxiintii Maanta Xaadiray Xarunta Golaha Shacabka ay iskaga baxeen Xarunta,waxaana ay sheegeen in Arrintaan ay Siyaasad ka dambeyso.
Musharaxiinta Maanta iskaga baxay Xarunta Baarlamaanka waxaa ka mid ah.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed
C.naasir Maxamed Cabdulle
C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole
Saciid Dani
C.raxmaan C.shakuur Warsame
C.laahi Xasan
Sakariye Xaaji Cabdi
Saciid Ciise Maxamuud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.