Daawo:Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxtinomo ee Soomaaliya ayaa Kubaaqay Fartaag in laga saaro Gudiga doorshada

fartag

Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadacay doodda musharraxiinta oo loo balansanaa inay maanta dhacdo waxay sheegeen in lajabinyey heshiiskii musharraxiinta iyo guddiga doorashada dhexmaray kaasi oo ku aadanaa qaabka tabinta doodda iyo sidoo kale cidda dhex dhexaadin doonta, iyo in Talefishinnada iyo Idaacadaha dalka ee madaxa banaan ay si isku mid ah u tabiyaan balse kaliya lagu soo koobay iney tabiso warbaahinta qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu danbaytiina waxay ku edeeyeen in Cabdulaahi Sh Isnaacaiil Fartaag oo ah gudoomiye kuxigeenka gudiga doorashada uusan dhex dhexaad ahyn kana mid noqon karin gudiga doorashada madaama uu si bareer ah utaageeray Xasan shiiq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.