Wiilashii ka dambeeyay Kufsi ka dhacay Galdogob oo la xukumay

Waxaa maanta la xukumay shan dhalinyaro ah oo loo heystay Kufsi ay kula kaceen Gabar degan Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Dhalinyaradaasi oo xukunkooda lagu saleeyay Shareecada Islaamka ayaa waxaa xukumay Culumada Degmadaasi Goldogob ee Gobolka Mudug.

Waxaana lagu xukumay 100-200 Jeedal , 5-10 sano oo Ganaax Lacageed ay isaga bixin karaan.

Iyadoona xukunkaasi ay goob Joog ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland sida Wasiirka Cadaaladda Maamulkaasi, Maamulka Galdogob iyo Xubno kale.

Ehellada Gabadha oo iyaguna goob joog ahaa madasha ayaa soo dhaweeyay Go’aanka Culimada ee ka dhanka ah Wiilasha Gabadhooda Kufsada

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.