Shirkii Kampala 2011 iyo laba shariif iyo damacooda manta in ay afar sano hoggaamiyaan Soomaaliya wax na qabtaa miyaa!? W/Q Jimcaale

jim

Waxaa aan duugoobin waa taariikhda ,ayyada ayaa is qorta lama qarin karo ,ciddii isku dayda in ay been ka sheegta ayyadaa ku ceebowda,waxaa I hor yimd humaag,waa mid kiciyey dareen kayga ,waxay ahayd dhacdo na soo martay,waxay ahayd mid mar qura qalbiyada dadka Soomaaliyeed isku keentay oo sii kala jeeday mudo labaatan sano ka badan,waxaan xasuustay lix bilood oo ileys dawladnimo noo iftiintay,waxaana iloobi Karin hiyikac gudaha iyo dibadaba wada saamiiyey ummadda Soomaaliyeed,waxaan xasuustay in aan maalin dhan Guriga looga taliyo UK aan hortaagnaa,kaligay ma ahayn ee Soomaalidii ku nooleyd London koley ma dhammayn laakiin waxay ila ahayd in aan qof ka maqnayn,waxay ahayd maalin roob, mana uu kala joogsan maalintii oo dhan,waxaa kaloo jirey qaboow haddana waxaan xasustaa in ayan dareemayn dadkii Soomaaliyeed ee maalintaas iskugu yimid,saaxiibadaydii gaarka ahaa ka sokow dadkii aad uga dhex muuqday banaanbaxaas maalintaas waxaan ka xasuustaa barfasoor Guure( Professor Gure) oo asaga oo barlamaankii waqtigu ka dhamaaday ka mid lagu dilay Xamar,oo aan aaminsanahy in uu sababsaday dareenkiisa wadanino iyo Kabiirka Kooxda Qayladhaan oo hadda ku biiray golaha shacbka ee cusub,ma iloobin in ay maalintii oo dhan halkudheg noo ahayd yeeli mayno go,aankii Kampala,ma ahayn London kaliya ee arintaan waxay ka dhacday dalalka dibada ee Soomaalidu ku nooshahay iyo gudaha dalka intabad,haddaba ararta xusuusta maalintaas haddii aan intaas uga gudbo aan ujeedada u dhaadhaco.

Lixdii bilood oo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaaajo) uu risulwasaaraha ka ahaa dalka waxaa gashay rajo dawladnimo dhammaan shacbiga Soomaaliyeed,wuxuu tusay maamul dawladnimo oo wada saxa ah cagta saaray,laakiin cadawga dalka oo aan marna doonayn in Soomaaliya dawlad ka hanaqaado mar kale ayaa waqtiga aan kor ku xusay ku shiray Kambala Caasimada Ugaandha,waxayn falanqeeyeen sidii shumaca uu shiday Mudane Farmaajo loo damin lahaa,taladoodu waxay noqotay in Farmaajo meesha laga saaro is rajada uu muujiyey looga hortaga.

Haddaba si cadawgu ujeedadiisa u fuliyo waxay u yeereen Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xassan sh.Aden oo ahaa Madaxweynahii dalka iyo gudoomiyahii golaha shacbka ee waqtigaas waxaana heshiis lagu la galay saddex qodob oo mudan in aan dib u milicsano.

1-In maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) laga saaro meesha oo uu xilka ka tago.

2-In golahii shacbiga ee markaas jiray laga qaado awooda oo ayyan wax go,ano ah oo danbe qaadan Karin.

3-In ayyaga la siiyo hal sano oo amar kooda kaliya dalku ku shaqeeyo maaddaama uu waqtigu ka dhammaaday.

Ugu danbayntii waxay laba shariif qalinka ku duuggeen wixii cadawga dalku u soo jeediyey ayyga oo wax kasta dhaafsaday hal sano oo ay iska maamushaan dalka keligood,sidaas baana mudane Farmaajo meesha uga baxay ,baarlamaankiina awooda looga qaaday ayyada oo loo adeegsaday xooggaga shisheeye ee dalka jooga.

Waxaan ku soo ururinayaa Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xassan oo hankoodu saas ahaa ,islamarkaasna sawirkaas laga haysto loona qaadan karo qiyaamo qaran oo wax maxkamad ku geeya la waayey in ay manta u hanqal tagaan in ay afar sano hoggaanka inoo qabtaan see ku imaan kartaa?

Jawaabta waxaan u deynayaa Golayaasha cusub ee talada dalku hortaalo waxaana ummaddu indhaha ku haysaa halka ay dhigaan masiirka dalka iyo dadka.

.W.Q/Cabdullaahi JImcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.