Waqtiga Ay Dhacayso Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo La Shaaciyay

deg

Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo loo doortay C/raxmaan Ducaale Beyle oo kamid ah xubnaha aqalka Sare ee Gobolada woqooyi Somali-land, waxaa ku-xigeen loo doortay C/laahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubanaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamul Jubba-land.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo ka kooban 10-xubnood oo ka socda Golaha shacabka iyo 6-xubnood oo ka imaanaya xubnaha aqalka Sare ee dalka, oo shalay si wadajir ah ay usoo saareen guddoonka labada aqal ayaa maanta kulan ku yeeshay waxay ku shaaciyeen waqtiga ay dhacayso doorashada madawaynaha Soomaliya oo ah Maalinta Arbacada ah 8/02/2017.
Capture-12

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.