MEE DALKAYGII MEE DADKIISII(SOOMAALIYA AAWAY, AAWAY SOOMAALIYA)!? W/Q JIMCAALE

jim

Hala yaabina in aan cinwaanka kore siiyey caalamadda cajiib iyo su,aal,humaagga I horyimid ee qormaddaan igu kalifay baa saas ila galay,waa su,aal da,weyn oo madaxa daalineysa.haddaba inta aanay dulucda hoos ugu deign aan taariikh dib u milicsado.

Waxaan imid Xamar Feebaraayo 1961kii,maalintii inta bishu ahayd ma xasuusto.waxaanse xasuustaa in AUN Aden Cabdulle Cismaan uu madaxweyne ahaa qiyaasitii todoba bilood iyo maaalmo,waxaan jirey qiyaastii 12 sano,waxaana layga keenay miyiga si la ii geeyo Dugsi waxbarasho,waana marka aan ku soo biiray tiradii yarayd oo caruurta Soomaaliya waxbaran jirtay.

Miyiga waxaa caruurtu xoolaha ku raaci jirtey (SOOMAALI DIIDOW SILIC U DHIMO) magaalooyinkana waxaan ugu imid heesaha caanka ah ee SOOMAALIYEE TOOSA,TOOSA OO ISKU TIIRSADA)IYO QOLABA CALANKEEDU WAA CAYNOO ANNAGGA KEENU WAA CIRKOO KALE),oo aanu qaadi jirnay inta aan subaxdii fasalada la fariisan iyo munaasabadaha iskuulada loo sameeyo(xafladaha),waxaa jirey dareen isku mid ah oo dadka oo dhan wadageen oo ahaa wadaniyad iyo dal jacaly.Dalka Jamhuuriyada Soomaaliyana wuxuu ahaa mid aan xuduud kala lahayn kana dhexeeyey dadka oo idil,waxaan ku qiyaasi karaa dadkii Soomaaliyeed hal qof jirki oo haddii meeli xanuunto jirka oo dhani la wadaago dhibaatada oo jamhuufriyada xorta ahayd daaye Soomaalida xuduudaha kale ku noolayd haddii wax ka dhacaan,xanuunkaas isla markaas wuxuu gaari jirey Raaskambooni ilaa Lowyecado,wadaniyada dad kayyagu Soomaalia kaliya kuma koobnayn ee wuxuu gaarsiisnaa Afrikaanimo(Africanisim),waxayna arintaasi qayb ka qaadatay in ay ka dhiidhiyaan Soomaalidu dalal badan oo afrikaan ahaa oo weli gumeysi ku jirey watigaas inay qayb ka qaateen helida xoriyadooda,bal aan wax ka xasuusto dhacdooyinkii afrikaanimada ahaa ee dalka ka dhacay waayadaydaas-

-Lamuunba oo ahaa hogaamiyihii gobanimadoonka dalka Koongo laysku oran jiray ,oo ay soo gaartay dhegaha Soomaalida in la dilay,maxaa dhacay oo xigay,banaanbax anaan garan Karin si loo abaabulay oo anoo inan yar ah aan ka qayb qaatay,waxaa la soo buuxiyey barxada EX

baarlamaan,Maanaboolyo,Xamarweyne,Boondheere iyo Golaha murtida iyo madadaalada afartaas wado oo meesha soo gasha waa buuxdhaafeen,waxayna dadku wada qaadayeen hees aan maalintii xafiday oo aan weli xasuuto ,oo maxay ahayd?(LAMUUMBA MA NOOLA MANA DHIMAN MUUQIISAA LA WAAYEY MOOYAANA IN UU MAQANYAHAY HA MOODINA),waxaa la mid ahaa dareenka Soomaalidu la wadaagi jirtay dadkii Muusaambiik,Angola iyo koonfur Afrika dhibkii midabtakookar ee ay soo mareen.

Wax la qiyaasi karo mahayn marka wax ka dhacaan Soomaali Galbeed,NFD iyo Jabuuti sida shacuurta shacbiga Soomaalidu noqon jirtay.

Su,aasha sare waxay igu dhalatay in aan is weydiiyo maxaa dalkii iyo dadkiisii bedelay?dalkii iyo dadkii midka ahaa ee isku duubnaa yaa kala qaybiyey? Ma aqoonta korortay baa nooga dartay?qofkayyaga wax bartay ma moodaa in uu dadka asagu u liito? Aqonyahan haysta PHD inta dhulkii cad goosto in uu yiraahdo maamul goboleed aan sabab loo hayn baan noqonaynaa ama anaa madaxweyne ah noo kala qaybiya dalkii iyo dadkii ,Cadaw gayaguna saas in uu Soomaaliya ku qaato nagu haweysto oo manta ay taagan tahay annigaa qaadanaya iyo maya waa anniga ,sow kuwo lagu qasaaray waxbarashadooda oo aad u liita maaha?

Bal ila eega arimahaan,Lix madaxweyne,lix calan,lix dawladood iyo lix dal oo aan midna mid kale amar ka qaadan see Soomaalidu ku qanacday oo raali ku noqotay?Waxaa oo su,aalo ah jawaabahjooda waxaan u deynayaa Ummadda Soomaaliyeed oo u jahaysan in magacooda adduunyada laga waayo,aana ku soo gabagabeeyo kuwii halkaas na gaarsiiyey baa naga raba in aan mar kale doorano ee bal ayyadana wax ka dhaha?
W.Q/Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.