DAAWO: Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo ay Dhismayaal Casri ah ka soconayaan.

Xilli meelo kala duwan oo Gobolka Gedo ah ay kasocdaan Isbadalo dhinaca Dhismayaasha iyo  maamulada ah ayaa waxaa qeyb ka ah degmooyinka sida weyn uu isbadalkani uga socdo  Degmada Buurdhuubo ee Bariga Gobolka Gedo Degmada Buurdhuubo oo dhacda Bariga Fog ee Gobolka Gedo  ayaa waxaa laga dareemayaa Isbadalo xaga dhismayaasha ah oo Degmada Qeybo badan oo kamid ah ka socda.
Dhismayaasha oo ah kuwa qaab casri ah loo dhisaayo ayaa isugu jira.kuwo Deegaan iyo kuwa Ganacsi, sida dadka Sawirada kasoo qaaday Degmada ee dhawaan booqday ay Gedo Times u sheegeen  Buurdhuubo oo kamid ah degmooinka gobolka Gedo ugu kheyraadka badan  uuna dhexmaro wabi weynaha Jubba  ayaa isbadaladani ka muuqda waxa ay soo jiiteen qurba joog iyo dadka deegaanka kasoo jeeda ee dibadda kaga nool.
Dadka ree Buurdhuubo ayaa u muuqda kuwa u istaagay xaga hormarka iyadoo wali Buurdhuubo ay kamid tahay Degmooyinka Gobolka Gedo ee kala xiran  kadib markii ay alshabaab ka mamnuuceen Gaadiidka in ay soo galaan  Dadka deegaanka ayaa sidoo kale lasoo warinayaa in ay u istaagaan tabcashada iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka dhinaca beeraha ee uu degmadaasi,rabi ku maneystay  Camerada Gedotimes oo soo xiganeysa ilo wareedyo dhawaan Booqday Degmadaasi Buurdhuubo ayaa Muuqaalo la.xiriira dhismayaasha ka soconaya Degamada Buurdhuubo hoos idiin kusoo gudbin doonta Insha allah.
burdhuubo burdhuubo (5) burdhuubo (4) burdhuubo (3) burdhuubo (2) burdhuubo (1)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.