Muqdisho:Jawaari Oo La Kulmay Xildhibaannada Labada Aqal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahin Muudeey ayaa ka qeybgalay casho sharaf ay Guddoonka Golaha Shacabka u sameeyeen Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta ah oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labada aqal ee kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ,wasiirro, howlwadeennada Baarlamaanka, fanaaniin iyo marti sharaf kale waxaa suugaan wadani ah oo u badan guubaabo kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda deegaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay ugu dambayntii gudoomiyaha ayaa uga mahadceliyey casho shafta golaha shacabka ugu baaqey in shacabka Soomaliyeed kafilayaan daacad midnimo iyo madax dalkaan ka bixisa dhibka haysta.
jaw

jawa

jawaaar

jawaari

jawari

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.