Doorashada guddoonka aqalka sare oo la shaaciyay “Sawirro”

aqalka

Kalfadhiga kowaad kulankiisa saddexaad ayey maanta yeesheen xildhibaanada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominaayey gudoomiyaha KMG ah, xildhibaan Maxamed Xuseen Raage.

Xildhibaanada soo xadiray oo 44 xildhibaan ahaa ayaa ugu horreyn waxaa halkaasi lagu dhaariyey xildhibaano cusub oo ku soo biiray Aqalka sare waxaana ajandayaashii maanta ka mid ahaa xulashada guddiga doorashooyinka guddoonka Aqalka Sare ee barlamaanka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka ayaa doortay Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoonka Aqalka Sare, kuwaas oo ka kooban Lix xubnood, Guddigaan ayaa waxaa looga fadhiyaa diyaarinta Doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa ku xigeen, waxaana ay kala yihiin xubnaha Guddiga ah ee maanta la doortay.

1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun)

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen.

4. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali.

6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Guddiga ayaa sheegay in la billaabayo diiwaangelinta Musharraxiinta maalinta Talaadada ah oo ay bishu tahay 17-ka Janaayo, iyadoo 21-ka bishan la dhageysan doono Khudbadaha Musharraxiinta halka 22-kana la qaban doono doorashada guddoonka Aqaalka sare ee Barlamaanka.
aqalkasare

aqalkasaree

aqalkasre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.