Daawo:Xaflad Soo dhawayn loo sameeyay Xildhibaan Farah Abdi Hassan oo London kadhacday

farax xasan

Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa Xaflad Soo dhoweyn,Taageerid iyo Bogaadin ah u Sameeyey Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo dhowaantan ku guulaystay Xubinimada Aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya.
Xaflada ayaa Waxa kasoo qeybgalay Aqoonyahano,Ganacsato,siyaasiyiin,dhalinyaro,haween,Waxgarad iyo Marti Sharaf kale,iyadoona intii ay Xafladu socotay Madasha laga jeediyay Khudbado kala duwan oo looga hadlayay Waxqabadkii Hore ee Dr.Farax Cabdi Xasan iyadoona dadkii Madasha isugu Yimid ay dhamaantood isku raaceen inuu istaahilay xilka xildhibanimo ee loo doortay.
Ugu dambayntiina waxaa baaq Nabadeed loo diray dad walaalo ah oo dhib kudhexmaray Degmada Caabudwaaq inay wanaaga iyo nabad ka shaqeeyaan oo iska ilaaliyaan waxyaabaha dadka kala fogaynaya, waxaa kaloo loogu baaqay dadka abaaruhu wax yeeleeyeen ee ku sugan jubbooyinka gaar ahaan gobolka gedo iyo waqooyiga Galgaduud in loo gurmado.
hoos kadaawo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.