BAAQ QARAN OO KU WAJAHAN DHINACYADA KALA DUWAN EE LUGTA KU LEH SIYAASADA DALKA W/Q JIMCAALE

jim

Waxaa ka dhacay caasimada Soomaamliya ee Magadishou 11/01/2017 iyo 12/01/2017 dhacdo aan is iri waa taariikh ka dhuwan xaaladii ka jirtay dalka guud ahaan,taas oo ahayd doorashadii shirigudoonka Galaha Shacasbka ee10naad,taas oo niyadayda oo dhinsanayd mudo 26 sano ah,sida aan warbaahinta qaranka iyo tan madaxa banana aan ka arkay nolal cusub gelisay rajada shacbiga Soomaalida oo dhan,waana sababta igu kaliftay in aan qaro baaq qaran oo ku wajahan,Golayaasha qaranka,Golaha musharaxiinta ee isbedeldoonka ah,Damu Jadiid iyo shacbiga.

1-golayaasha qaranka waxaan ugu baaqayaa waxaad dhiig cusub ku shubteen rajadii dhimatay ee shacbiga,waxayna u hanqaltaagayaan isbedel buuxa oo dhab ah ee aad muujiseen 11/01/17 iyo 12/01/17 bilowgeeda,si aad u kasbataan kalsoonida shacbiga dhameystira isbedelka oo qaata taariikh laydiin qoro in Golaha shacbiga ee tobnaad uu badbaadiyey dalka Soomaaliya oo halis ku jiray,noqona doonta mid la mid ah Tan loo hayo SYL iyo SNL,aan ku dhaafo guushaas oo aad gaartaan gacmahiina bay ku jirtaa.waxaa kale oo loo baahan yahay in aad ogaataan Madashii Talada Qaranka ee awooda dalka maroorsaday in waqtigoodii dhamaaday,sidaas darted doorashada iyo guud ahaan dalka oo dhan idinka ayaa xilkoodu dusha idin ka saran yahahy,wixii musuqmaasuq dhaca iyo cadaalad daro sida doorashada iyo arinta Cadaado ka soo cusboonaaday, haddii aydnaan u hiilin go,aanka Golaha shacbiga Galmudug kiinuna wuxuu noqon doonaa kuwii Golihii shacbiga ee 9aad.

2-Golaha musharaxiinta isbedeldoonka ah haddii ay dhab idin ka tahay arintaas joojiya is garabyaaca iyo nintooxsiga ee hal musharax oo aad is leedihiin wuxuu leeyahay shacbiyad iskugu taga, inta soo hartay oo golahaas ka mid ka ah jagooyinka kale ee min ra,iisulwasaare ,wasiiro iyo danjirayaal inaad qabtaan ku balama oo wadajir dalka bohosha ku jira ka soo saara,waxaa hubaal ah in aan idiin dhisi doono taalo la mid ah tan SYL oo aan gacyadiina ku qori doonowaana sida kaliya ee aad Soomaaliya ku badbaadin kartaan.

3-Damu Jadiid waxaan leeyahay (libaax nin ganay iyo nin galaday kala og) dadka Soomaaliyeed waa og yahay waxaad gaarsiiseen ,booga dhiyidoodana ma sahlana.dhacdooyinkii ka soo ifbaxay doorashada Golaha Shacbiga gudoonkiisu idinku filan digniin,ee Kabiirkiina Faarax Cabdulqaadir meesha uu maray Xassan Shiikh maxamuud kala taliya oo haka taanaasulo musharaxnimada.

4-Shacbiga waxaa la gudboon in ay Golaha shacbiga dhacdada sare aan ku soo sheegay ugu hambalyeeyaan kana codsadaan in ay isbedelka ka dhabeeyaan,codkoodana ku muujiyaan banaanbaxo maalmaha yare e ka haray doorshada madaxweynaha,Wabilaahi Towfiiq/Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.