AMNI XUMADA CAABUDWAAQ XAGGEE KA SOCOTAA? W\Q Liibaan Guulwade

Su,aashaan jawaabteeda si aad u heshaan waxaan jeclahay marka hore dhibaato ka jirta dalkeena Soomaaliya in aan idin la wadaago,waa mid guud oo wiiqday dhinac kasta oo bulshadeed sida dhaqaale,amni,siyaasad iyo Diinteena Islaamka ee muqadiska ah.Dhammaan dalka maxaa ku fidiyey burcad diimeed,dugsi quraan,masaajid,goob ganacsi ,iskuul wax lagu barto,suuqyada ganacsiga waaweyn iyo xafiis ummadda loogu shaqeeyo midna aan dhaafay ee isku qarxinaaya ummaddii boqolkiiba boqol muslimka ahaydna dhammaan u rogay gaalo iyo murtidiin?

Sidee ugu fideen wadanka ama ay magaalo u qabsadaan? Marka aan runta idiin sheego,waxay ku bateen ayyaga oo fara ku tiris ah in magaalada in ay qabsadaan damcaan waxay maalgeliyaan Wiilal u dhashay oo baahan si xaddhaaf ah,waxaa loo maalgeliyaa bakhaaro,xawaalado iyo isgaarsiinn casri ah,ilahaas dhaqaalaha waa kobcaan,waxayna noqdaan kuwo dadbadan siyaabo kala duwan ugu tiirsan yahay.

Wiilasha ay maalgeliyaan, waxaa weeye wiilasha Ugaasyada,Nabadoonada ,culumada waaweyn.iyo dadka deegaanka magaca ku leh,kuwaas oo reerkoodii dhaqaale soo galiya ,qaraaba badana ku tiirsan tahay sida ayyaga oo shaqaale u noqda oo ay shaqo siiyaan,waxay helaan dadka talada deegaanku ka go,do oo aan sare ku sheegay kuwo ay difaacaan gabaadna u noqda.Ayyagu waa wada shaqeeyaan oo waa saaxiibo,jufooyinka ay ka dhasheena waa ka kala tirsanyihiin,waxayna qabtaan shaqo aan dadku aad u garan Karin ayyaga oo kaalin mug leh ku yeesha jufooyinkooda,ilaa uu noqdo kuwa qaaranka ugu horeeya talada jufadana wax ka go,aamiya,dhammaan jufaduna difaac u noqoto oo aan loo mari Karin.

Waxaa xiga in ay colaado ka dhex abuuraan jufooyinka wada dhashay ee wada degan,markii wax dhacaan ee waxgarad daaweeyo mid kale bay abuuraan ,abadgelyada meeshaas khalkhal kama baxdo ilaa ilaa ay gaarsiiyaan dagaal weyn ee faraha ka baxa oo magaalada lagu kala qaxo.

Markii magaalada lagu kala cararo waxay ragaan burcaddiimeedka ah la qaxaan jufooyinkooda,markii ganacsigu joogsado,la oomo,dadku gaajoodo buu

wiilasha qoryaha sita ee jufadiisa xodxotaa in uu mushaar u qoraayo ,sidaas bayna kuwii ay qoryaha iskugu dhiibeen dhammaan ku hantaan ,ayyaga oo ay magacii jufada oo ay shalay dagaalka ku galiyeen ka badelay oo isku xisbi ah bay magaaladii ay dadka ka qaxiyeen ku qabsadaan,waxayna bilaabaan in ay kuwii markii hore ay gabaadka ka dhigteen sida ugaasyada,nabadoonada ,culumada,aqoonyahanada iyo waxgaradka ay ka dhigaan wax ay laayaan iyo wax deegaanka ka carara oo naftooda la baxsada.

Reer Caabudwaaq waxaan weydiinayaa 26 sano marka laga reebo lixdii sano oo danbe waxaad lahaydeen hal gudi oo taladu ka go,do waad isku duubnaydeen,midnimada baad difaaci jirteen iyo mareexaanimada,dhaqamo kale iyo afkaaro kale in ay idin kala dilaan baad iska ilaalin jirteen,Xaggee laydin ka gaaray?mise waxaad ku sifowdeen (DOQONI MEESHA LAGA GAARAY MA OGA)?Waxaan idiinku deeqayaa odayaasha kala irdhoobay ee colaada aan raadka lahayn la dhexdhigay asalkiinii iyo ehelnimadii u soo laabta, dadka afkaara kale xambaarsan dhawaceen soo ceshada .ku laabta nolashiinii,haddii aad yeeli weydaan oo kuwa magaalada hantida ku haysta ee laydiin soo diray una shaqeeya burcaddiimeedka iska qaban weydaan ,qofka u horeeya oo u dhimanayaa waa odayaasha dhaqanka iyo wixii wax garad ah oo ku xigi doona,haddaa taladu gacantiina ku jirtaaye odayaasha dhaqanku talo aan gacan ku siino ha keeneen.
W/Q Liibaan Guulwade.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.