Wax ka ogaw damciga itoobiye ee Ku aadan gudoonka baarlamaanka somaliye

itobiya

Xili Meel Xaasaasi uu maraayo tartanka loogu jiro Hanashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya iyo Kuxigeenadiisa, Dhawaane lagu wado in ay doorashadiisa Dhacdo, ayaa waxaa soo baxaya Xogo la xiriira Shakhsiyaad ay Dowladda Itoobiya u wado in ay Noqdaan Gudoonka Baarlamanka iyo Danaha ay ka leedahay Noqoshadooda Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Celcelis ahaan inkabadan labaatan Musharax ayaa u taagan Qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa, waxaana shakhsiyaadkaasi ay isugu jiraan, kuwo iskood u sharaxan iyo kuwo ay baratarayaan Dowlado shisheeye oo ay ugu horeyso Dowladda Itoobiya, oo la ogyahay in aysan rabin in Dalka soomaaliya uu markale dib u hanto qaranimadiisa.
Shakhsiyaadka ay Xukuumada Addis Ababa Wadato, waxa kamid ah Cabdirashiid Maxamed Xidig oo u sharaxan Gudoomiye Baarlamaanka iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isna u sharxaxn Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka.
Labadani Siyaasi ayey Dowladda Itoobiya u rabtaa in ay qabsadan Gudoonka Baarlamaanka si dano gaar ahaaneed oo qaranimada Soomaaliya Duulaan ku ah ay ugu fuliyaan.
Baarlamaanka ayaa ah Awooda ugu sareysa Dalka, waxayna itoobiya dooneysaa Hindiso Sharciyeedyo Khatar ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Soomaaliya in ay u fududeeyaan.
Siyaasiga sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu shaqeeya Dowladda Itoobiya Asal ahaane kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida ee ay itoobiya haysato ee Faarax Cabdulqaadir, ayaa ugu muhiimsan dadka ay itoobiya la rabto mar un inuu kamid noqdo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxaana Faarax ay Itoobiya dooneysaa in uu u fududeeyo dano aysan jirin Hay’ad Sharci oo fududeyn karta Baarlamaanka Mooyee,
Danaha ay Itoobiya kaleedahay Qabashada Gudonka Baarlamaanka ee Shakhsiyaadka aan soo sheegnay, ayaa waxaa kamid ah in ay dooneyso in Baarlamanka Soomaliyeed ay u codeeyaan Hindiso qeexaya in ay Midoobi karaan Soomaaliya iyo itoobiya, Xilli Itoobiya oo aan laheyn Dhul badeed ay Dhawaan soo iibsatay Maraakiib Dagaal iyo kuwa Xamuulka qaada, sidoo kalane ay Magacowday markii ugu horeysay Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee uu dalkasi yeesho, waxaana taxliiliyayaasha Siyaasadda ay ku micneeyeen Magacaabidda Wasaarad aan horay ujirin iyo soo iibsashada Maraakiib Dagal iyo Xamuul ee ay itoobiya soo iibsatay, in dulucdeeda uu yahay sidii Baarlamanka mar un uu ugu codeyn lahaa Midow dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya, arintaas oo ay sahli karaan un Hogaanka Baarlamaanka hadii ay ku guuleystaan Shakhsiyaadka ay itoobiya u wadato in ay noqdaan Gudoonka Baarlamaanka.
Sikastaba inbadan oo soomaali ah ayaa ka dharagsan xiriirka aan qarsoneyn ee ay itoobiya laleeyihiin Faarax Cabdiqaadir iyo Cabdirashiid Xidig oo u sharaxan xilligan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenkiisa, waxayna guushooda soomaali uga dhignaan doontaa Malin Madow Hadiiba Shakhsiyaadka aan soo sheegnay ay noqdaan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Dal iyo dibadba ku sugan ayaa dhinacooda ka codsanaya Matalayaashooda Baarlamaanka in ay ka fiirsadaan soo saarista shakhsiyaadka ay Itoobiya larabto in dalkeena ay uga dhigaan Ismaamul Goboleed looga taliyo Addis Ababa, iyagoo ugu baaqay in ay codkooda siiyaan Mudanayasha kale ee la tartamaya cid iyo Dowlad gooni ah oo lagu xaglinaayane aysan jirin waqti xaadirkan.
Soomaalia iyo Itobiya waxaa dhex maray Dagaal qaraar Sanadu markay ahayd 1977 ka dib dagaalkaasi dowlada itobiya waxaay go,ansatay in wadan Somalia la dhaho usan sii jirin waxana damaacasi xun Dowlada Itobiya ku taageeraya Wadaamo badan iyo shaqsiyaad Soomaali ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.