XOG: Khilaafka Axmed Madoobe iyo Cadbirashiid Xidig oo dibada u soo baxay kadib ..

xidig

Waxaa si rasmi ah usoo shaacbaxay Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, kaasi oo salka ku haya Musharaxnimada Gudoomiyenimo ee Xidig.

Dhawaan Xildhibaan ayaa isu sharaxay Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya arintaas oo uu isku dayay inuu ka hor istaago Axmed Madoobe balse uu kabiyo diiday isagoo markaas u arkayay axmed madoobe in saami qeybsiga beelaha Beesha Daarood aysan kursigaas mudneyn.

Xidig ayaa dhiniciisa wacad ku maray in uu noqon doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Xidig Barataaraya Madaxweyne SHeekh Maxamuud oo dagaal adag kula jira Musharixiin cadcad oo kasoojeeda Beesha Daarood kuwaas oo ay Kamid yihiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cumar Cabdirashiid Sharmaake iyo Cabdulaahi Cilmooge Xirsi oo dhamaantood ah musharixiin u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dalka.

Arinta xiisaha gooniyaad leh oo khilaafkan dibadda keentay ayaa ah kadib markii Maanta kulan taageero ah oo Xidig ay jifadiisa kisnaayo ku qabteen oo Axmed Madoobe amar kusiiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Nabad Sugidda Jubbaland in aan warkaas la baahin karin cidii tabisane ay Muteysan doonto Xarig iyo ciqaabo kale oo horleh.

Warbaahino badan oo muuqaalka taageerada sooduubay ayaanan tabin sababo laxariira amarka Maamulka oo ah inaan labaahin karin taageero loo muujiyay Cabdirashiid Xidig.

Xidig iyo Axmed Madoobe oo isu ahaa saxiibo isku olog ah ayaa waxaa hadda muuqata in ay xargaha kala jiiteen arintaasne ay soo bilaabatay markii uu xidig shaaciyay inuu kujiro han uu ku doonaayo xilka Gudoomiye Baarlamaan.

Sikastaba Musharaxnimada Xidig ayey si mideysan isaga diiday Beesha Daarood oo uu kasoo jeedo, waxaana muuqaneysa shakhsiyaad aan isku siyaasad iyo hadaf toona aheyn in ay kulmisay diidmada musharaxnimo ee Xidig oo haduu soobaxo sababsan kara hanka beesha ee ah in ay Madaxweyne dalka ka noqota xili doorasheedkan lagu guda jiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.