QORMO : Maxaa U Qabsoomay Golaha Shacabka Somaliyeed , Maxay Tahay Saadaasha Siyaasadeed Doorashada Qabsoomi Doonto ?

Lama Saadaalin Karo Cidda Ku Guulaysan Doonto Hogaanka Dalka Somaliya Doorashada Ka Qabsoomi Doonto Maalmaha Nagusoo Wajahan .

Sababaha Aan Lagu saadaalin Karin Waxaa Ugu Horeeyo : .

A- Xildhibaanada Cusub Oo Waji Cusub La Yimid [ Waxay Laaleen Gudigii Doorashada Ee Dadbanaaaa Waxayna Xubno Dhexdooda Ah U saareen Sidii Ay Usoo Dhameestiri Lahaayeen Doorashada Gudoonka Baarlamaank ] .
FG : Xildhibaanadaan Lasoo Magacaabay Waxuu Waqtigooda Ku Egyahay Marka La Magacaabo Gudoomiyaha Golaha shacabka .

B- Waxay Shalay isla Meel Dhigeen Miizaaniyadda Sanadle Ee Uu Ku Kacayo Dowladda Ay Majaraha U Hayaan .
TAN ayaa Timid Kadib 8 Bilood Oo Aan La Qaadan Wax Mushaaraad Ah Dhammaan Golaha Fulinta Shacabka – Baarlamaan iyo Ciidan iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose – .

C- Waxaa Muuqato Oo Aan Lagu Saadaalin Karin Cidda Hogaamin Doonto Dowladda Afarta sano Ee Soo Socoto , Waxaa Meesha Ka Maqnayn Oo Wax Lagu Kala Qaadan Doono Suuqa Madow , Dhammaan Xikdhibaanada Ma ahan Kuwo Codkooda Lagu Kalsoonaan Karo , Lacagta Badan Dhankeeda Ayaa Loo Badanyahay .

GUNAANAD : Shacabka Somaliyeed Ee Duruufaysan Abaaro iyo Colaad Ragaatay Muddo Dheer , Waxaa La Qabo Nolol Xumada Xildhibaanada – Golaha Shacabka – Maxaa Yeelay Haddii Ay Keenaan Dowlad Tayo Leh Nolol Tayo Leh Ayay Helayaan .

XILDHIBAAN : Dooro Danta Dalka & Dadka .

QORE : Yuusuf Cumar Maxamed .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.