Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo bilaabatay

bar

Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Barlamaanka JFS ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay Xaruunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, Guddigaan loo xil saaray qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadisa ayaa waxa ay ka kooban yihiin 15 Xubnood, Waxaana shaqada loo igmaday ay tahay keliya qaban qaabada iyo agaasinka Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Warku waxa uu intaasi ku darayaa in diiwaangalinta la soo gunaanadi doono maalinta khamiista ah oo ku aadan 4- bishan Janaayo galinkeeda dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.