Warqad furan kuna socoto dhamaan xildhibaanada cusub W/Q Omar Mohamed Hassan (Sanka)

maqa

Warqad furan kuna socoto dhamaan xildhibaanada cusub .

Mudane xildhibaan waxaadtahay mus’uul matalaayo dhamaan umada Somalia meel walbo ay dunida ka joogaan waxaad qaada mas’uuliyad aad uweyn kii qaadi lahaana waad ka hor istaagtay lacag ha ahaato ama musuqmasuq sidaa darteed waxaan kaa rabnaa inaad codkaada noogu hiiliso hogaanka cusub ee talada lawareegidoono maalmahaan soo socdo .
Mudane xildhibaan codkaada waa beer u baahan inay biyo dharagto kadibna la abuuro abuurkaas lagu noolaandoona noolashaas kii maa muli lahaa ayaad tahay .
Mudane waxaad dib ufiirisaa dhibaatada ka jirto dadka danta dalka .
Mudane xildhibaan waxaadtahay waardiyaha dalka io dadka shaqadaada ma ahan inaad hotel seexato ee waa in aad dadka seexisid marka hore.
Mudane xildhibaan waxaan kaa codsanaynaa in aad afartaan sano ee soo socoto qabatid qodobadan soo socdo adiga oo xooga saaraayo waqtina ku bixinaayo:
 Inaad dajisaan dastuur dhamaystiran loona dhanyahay.
 Inaad qeexdaan awooda madaxweynaha iyo raiisul wazaaraha maxayelay waa isha khilaafka hadaana lasharin sharbaa ka dilaacayso shartaasna way idin saamaynaysaa.
 In lasooceliyo hantida maguurtada ah ee gacnta loo galiyay dowladaha shisheeye ayaga oo usoo maraayo safaarado dantoodana ay tahay ganacsi qarsoon qiimana oogu fadhiyo.
 In Lalaxisaabtamo dhamaan xubnaha dowlada.
 Dib uhishiisiin iyo midnimo dhamaan umadda somaliya.
 In laga shaqeeyo danta guud lalaalana danta gaarka ah.
 Isku xirnaan joogta ah ayada oo laga shaki qabo kala tagnaan.
 Inaad ka dhexmuuqataan shacabka lana wadaagtaan farxadda iyo murugta .
 Inaad yeelataan qaab dhismeed (heykal) xildhibaano .
 Waxaatahay wadani ha ogalaan laaluush io musuqmaasuq.

Mudane xildhibaane waxaatahay muwaadin xanbaarsan magaca Somali iyo Somalia sharaftaada waa jiritaankeena haday dhacdana waxaa dhacayso sharafta dadka, dalka iyo danta waxaadna gacansiisay cadowga Somalia.

Halkudhigyadaan Haku soojiitaano.

 Waxqabadkiina Waa Codkiina.
 Codkiina Maanta Waa jiritaanka Somali iyo somalia
 Shaqadada Waa Dalka , Dadka , Danta io Diinta.
 Codkiina wuxuu kor uqaadayaa Calanka iyo khairaadka dalka.
 Codkiina wuxuu ciribtiridoonaa cabashada dadka .
 Codkaada waa hantida koobaad ee maguurtada ah oo diiwaansan.
 Waxaa Noqondoontaan xildhibaanada aduunka oogu wanagsan dalkoodana uhiiliyay.

MAHADSANIDIIN

W.Q: Omar Mohamed Hassan (Sanka)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.