Salaadda Jannaasada meydka taliye ku xigeenkii Ilaalada madaxtootayada Soomaaliya (Sawiro)

Allaha u naxariistee G/sare Cabdi Cabdulle Qoor-gaab, oo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Soomaaliya oo shalay askari ka tirsan ciidanka Villa Soomaaliya uu ku dilay xafiiskiisa, ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Salaadda Jannaasada, ayaa lagula Dukadey Masjidka madaxtooyada, waxaana ka qeyb-galay taliyaha ciidammada Boliiska Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Cali Baashi, taliyaha ciidammada Cirka Soomaaliya, S/guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beyloot), saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga iyo masuuliyiin ka socotay madaxtooyada Soomaaliya.
aasaast

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.