Shirwaynihii Sanad Laha ahaa ee Jaamacada Galgaduud University kana soo qayb galeen Aqoonyahano Ayaa Lagu qabtey Ohio “Masawiro”

Waxaa Magalada Columbus, Gabalka Ohio lagu qabtay xafladii sanad laha ahayd ee Jamacada Galguduud University taasi oo sanadkiiba mar lagu qabto magaladaani.
Xafladaan ayaa ahayd sanadkii sadaxaad oo lag qabto magaladaan Columbus, OH ayadoo ga disnayd kuwii hore ee sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar ka mid ah ganacsata, aqoonyahanada, Culumaudiinka, Siyaasiin iyo wax garad kaleba. Xafladaan oo aad loosoo agaasimay ayaa looga warbixiyay heerka ay hada jamacdu marayso iyo marxaladihii ay soo martay. sidoo kale Groupka Maandeeq oo ayagu ahaa howl wadeenada Xafladaan ayaa soo bandhigay hadafka iyo waxa ay tiigsanayaan sanadkaan soo socda ee 2017ka, ayagoo sidoo kale ka warbixiyay dhismaha jamacada oo hada si xawli ah ku socda wajigiisa koowaadna lasoo afjari doono bisha 2aad ee soo socota. Dhamaanba dadkii kasoo qaybgalay ayaa u riyaaqay kuna qancay higsiga cusub ee lasoo bandhigay iyo wax qabakii ay jamacadu soo qabtay sanadkii lasoo dhaafay. Ganacsatadii iyo aqoonyahanadii kasoo qaybgalay ayaa sidoo kale balan qaaday inay dhamaystirayaan dhismaha xaafiisyada iyo qalabtooda, dhinaca kalena qaarkood ay balan qaadeen inay sii laba jibarayaan deeqdii ay ku bixin jireen Jamacada ayagoo isla goobta kaga dhawaaqay lacag dhan $40 kun oo Dollarka Maraykanka ah. Ugu danbaytii Cashadaan iyo kulankaan ay wada qaateen hawl wadeenada Jamacada iyo Wax garadka reer Columbus ayaa kusoo gaba gaboobay habsami iyo isfahan dhab ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.