Xiliga Uu Furmayo Fadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo la Shaaciyey

barlaman

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka loo asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.

“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta
Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda
munaasabadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.