Golaha Siyaasada ee wada xildoonka ah(Madasha Talada Qaranka) W/Q Jimcaale

jim

Wayadaan danbe waxaa dhegaha shacabka ka batay madasha wadatashiga qaranka,kuwaas oo ka kooban waxa lagu sheegay madaxweynayaalka maamulada lagu sanduleeyey shacbiga ee aan rabitaankooda ku imaan oo afar ah iyo saddexda nin ee dalka u sareeya .

Haddii aan isweydiino su,aasha ah yaa xalaaleeyey in awoodii golaha sharci dejinta ee dalka ay la wareegaan ragaan oo ah madaxdii haya,daha fulinta iyo baarlamaankii oo laga soo booliyey gudoomiyihii,jawaabtu waxay noqonaysaa ,waa awood maroorsi iyo amar ku taagleyn ay samasteen waxaana sabab u ahaa karaamadarada lagu sameeyey baarlamaanka oo tastuuriyan leh awooda ay ragaan boobeen oo ay u isticmaalayaan danahooda gaarka ah ayyaga oo saldhaystay ama ku fadhiya dantii guud ee qaranka,waa arin mudo dheer laga soo shaqeeyey oo GB shacbiga baa bahdilaad lagula kacay sida go,aamadooda oo socon waayey iyo waxka qabasha la,aanta khaldaadka madaxda sare oo musuqmaasuq lagu kala furfurayey marwalba,ilaa la gaaray in loogu maahmaahay Soomaali aad shilin u haysid shantooda ha ka baqin,bal eega tastuurka oo leh baarlamaanka waxaa shaqadiisu dhammaaneysaa markii uu yimaado mid kale oo xilkooda la wareega,awoodaha ay ragani isticmaalayaan waa ku woodii oo ay dayaceen.Sow haddaba lama oran karo waa dhibaato hortaala barlamaanka cusub haddii ragani ku soo laabtaan talada dalka ,ileyn dhurwaa la teg bartay dhig waa ku ceebe.

Isku soo wada duub Musharaxiinta manta talada u loolamaya haddii ay sharciga la sheegay in ay soo wadaan Golaha siyaasada ee wada xildoonka ah ay ka dhabeeyaan waxaa la gudboon in ay diidmo dhan kastaa muujiyaan,beesha caalamkana ku qasbaan in aysan aqoonsan sharcigaas,

Sidoo kale Baarlamaanka cusub waxaan dhehi lahaa ama sida xilku kaga dhamaaday ayyaga oo ceebeeysan magacii ummaddana dhaamay kuwii idin ka horeeyey in aad noqotaan ku talagala ama halka la dhigay masiirka qaranka Sooaamaaliya ee madoow ka soo saara oo isbedel keena.

Shacbigana waxaan dhihi lahaa wax kasta oo xumaan ah ee dalka lagu sameeyo dhaxalkeeda waad dhaxli doontaan ,waana idin dacarsan ,shacbnana codkooda

bay danahooda ku daafacdaan ,intii aad qabyaalad ku maqnaydeen baa daneystayaal idin ka faa,ideysteen ,oo god madow danahiinii iyo mustaqbalkiinii ku rideen ee toosa oo xaqiina ilaashada.

Wabilaahi Towfiiq Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.