TOP News: Dab khasaare geystay oo kakacay mid kamid ah Suuqyada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

dab

Galinkii dambe ee galabta ayaa waxaa suuq kamid ah suuqyada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo kakacay dab khasaare geystay Dabka ayaa kakacay Suuqa Kawaanka ee Degmadaasi iyadoo aagane ay ka dhawaayeen Dukaamo shidaal lagu iibiyo.

Khasaare aan lacayimin ayaa lasoo warinayaa in uu geystay dabka kuwaas oo u badan khasaaro hantiyadeed oo soo gaaray qaar kamid ah Ganacsatada Degamdaasi ee uu saameeyey dabkani Dadka Deeganka gaar ahaane xaafadaha u dhaw suuqaasi ayaa u gurmaday kuwaas oo ugu dambeyn bakhtiiyey dabkii kuna guuleystay in khasaaraha uusan sii fidin.

Goobjooge ku sugnaa aaga uu dabku kakacay tan iyo intii laga bakhtiinayayne ku sugnaa goobta ayaa Gedo Times u sheegay in uusan garan karin waxa sababay dabkani kicitaankiisa balse uu ka warhelay un bakhaare iyo mehrado ganacsi oo gubanaya.

Sidoo kale Wariye Cumar Caydaruus Axmed oo kamid ahaa warfidiyeenadii booqday Suuqa, ayaa inoo xaqiijiyay in uu soo arkay Dukaamo badan oo gubtay walow uu inoo sheegay markii goobjoogayaasha uu lahadlay ay u sheegeen in heerka dabka uu gaaray iyo sida khasaaraha uu u yaryahay in aysan islaheyn.

Sikastaba Baardheere ayaa kamid aheyd goobaha aysan ku badneyn gubashada goobaha ganacsi mana lahan degmada agab dabdamis taasi oo khasaaraha inuu kordho sababtay.

Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times insha allah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.