Ma dhab baa in Xassan Shiikh Maxamuud uu u sharaxan yahay Soomaali oo dhan ee uusan u sharxnayn koox gaar ah sida uu sheegay oo uu saxaafada iyo meediyaha siiyey?

jim

Waxaa hubaal ah in bulshadu uga baratay madaxweynaha xilkii ka dhamaday Xassah Shiikh hadal aan loo meel dayin oo xaqiiqda ka fog kuna indha adag yahay in uu bulshada u sheego hadal uu kaga beensheego kolba xaladaha halista ah ee dalka Soomaaliyeed ku sugan yahay iyo danaha shacbka oo layska iloobay?

Bal ila eega Soomaali marka la yiraahdo Jamhuuriyada Soomaaliaya,waxaa ku wehliya Soomaalida ku dhaqan GEESKA AFRICA oo ay ka mid yihiin Jabuuti,kuwa Itoobiya haysato iyo kuwa la midka ah ee Keenya hoostaga,waxsaan u maleynayaa Soomaali oo dhan afkaa ka boobay oo kuma dhicin in uu kuwaas sheegto sidii madaxdii Jamhuuriyada soomaaliya looga bartay oo qaar ka mid ah baan la soconaa in uu dhawaan soo saxiixay in ayyan Soomali ahayn!

Marka aan u soo dego shacbiga Jamhuuriyada Soomaaliya,oo colaadaha iyo abaartu daashatay,kursiga uu ku fariisto ee madaxtooyada yaala meel ka baxsan ma ka warqabaa baan is weydiiyaa,waayo bal iala milicsada inta jeer ee gudaha madaxtooyada la weeraray,Hoteel SYL iyo maqaayada Filaagi(thevillage) imisaa mitir baa xafiiskiisa iyo ayyaga u dhaxaysa?

Hadaba shacbiga oo sawirkaas arkaya buu afartii sano oo dalka bohosha ku riday wuxuu noogu sheegaa,in uu hormar sameeyey,sidaa nabagelyo,amaan ,arimabulsho iyo dhaqaale kobcay.Aan su,aal idin weydiiyee sow ninku uma eka maahmaahdii tiri(habrtii roob ku da,aayo waxay u maleysaa in qof kasta uu ku da,aayo)?Boobkii hantidii guud ee umadda ka dhexeysay iyo musuqmaasuqa aan qarsoonayn in uu xilbaan doorashadi ku bixiyo 1.500.000.00 ayey ila noqotay garashadiisa liidataa in qof kasta uu helay waxa uu asagu helay.waa yaabe miyuusan daawan TViiyada dadka iyo duunyada abaarta ku dhammaaday min Lowyacado ilaa Raskambooni?

Miyaan dhegahiisu maqlayn umaada leh Alloow ha nagu soo celin ,waxgaradka iyo aqoonyahada dhaliishiisa u sheegaya halista uu gaarsiiyey dalka dhegahiisu uma daloolaan miyaa?

Waxaan ku soo gabagabaynaa Soomaali oo dhan baan u sharaxanahay aan ka wada Jawaabno oo dhammaan gobolada ha laga banana baxo waxgaradka jooga ayaana xilkaas saran yahay in ay manta u hiiliyaan badbaadada dalka. Kuwa Xisbiyada sheeganaya iyo musharaxiinta bustaha qoyan oo ay huwanyihiin hayska dhigeen oo in Xassan runta loo sheego oo dalka la daba qabto ha ku dhaqaaqeen dareenka shacbigana banaanka ha keeneen

-Tviiyada Xassan Shiikh Xayeysiinaaya Ummadda Soomaaliyeed iyo qaranka yey danbi ka galin ayaga oo nacfiga la siiyey eexinaaya.isku soo wada duuboo in anaan sharaxan ee beenti ay tahay aan gobolada iyo degmooyinka ka muujino halku dhegaana ha ahaad kuma anaan sharaxan ee nadaa.
Wabilaahi Towfiiq W/Q.Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.