Beesha Caalamka oo ka Dalbatay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Faah-faahin dheeri oo kusaabsan 24 Kursi oo laboobey

qara

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa lagu sheegay in shir ay wakiilada beesha caalamka la yeesheen guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Somalia ay ka dalbadeen inay bixiyaan faahfaahin la xidhiidha diiwaanka kuraasta la sheegay in lagu muransan yahay oo ay gudidu soo celisay.

Wakiilka qaramada midoobey ayaa lagu sheegay in gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinku ay hore beesha caalamka ugu gudbiyeen diiwaan ay ku qoran yihiin 24 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay doorashadoodii xubinimada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Somalia, hase ahaatee ay gudidu dhawaan si rasmi ah warbaahinta ugu faafisay liiska 11 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay oo kaliya, taasina ay keentay in wakiilka Qaramada Midobay ee Somalia iyo wadamada beesha caalamka ee daneeya geedi socodka doorashoyinka Somlia ay faahfaahin dheeraad ah uga baahdaan gudiga xalinta khilaafaadka sida ay 24 kii kursi ee ay hore u sheegeen uga soo reebeen 11 kursi oo kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.