Maqaal: “Ileen Madaxweyne Kuxigeenadu waa Manxiisayaal Aroos” W/Q : Shaafici Cafaash.

maqa

Marka aad eegto Cinwaanka Qormada Durba waxaa maskaxda kusoo dhacayaa waa ayo cida laga hadlaayo ee Cinwaanka Noocaas ah loo baxshay, balse inta aadan bari iyobogox ila aadin bal dulucda qormada eeg Akhriste.
Ugu horeyn marka ay tmaado in wax la dhaleeceeyo qofba si ayuu u yaqaan Balse ujeedada aan qalinka qormadan u qaatay ayaa ah kahadalka Khaladaad masuuliyadeed oo I muuqda, kuwaas oo ay ku kacayaan Madaxweyne Kuxigeenada Maamulada Galmudug iyo Jubbaland Maxamed Xaashi Ganey iyo Maxamuud Sayid Aadan.
“ Bari baa waxaa reer oday u ahaa Waayeel 80 Jir ah, mar la isleeyahay Malaha tiisii ayaa soo dhaw ama geeri kala carar uu yahay, ayuu isugu yeeray dhowr iyo toban nin oo uu dhalay wuxuuna hogaan uga dhigay midkii uu islahaa kaalintaada Hogaamineed ayuu buuxin karaa, isagoo sidoo kale ka dardaarmay shakhsiga ninkaas qudhiisa badali kara Bacdamaa uu malakumow leeyahay, balse Maxaa dhacay,? Shakhsi labaad ee dhaxal sugaha ah ama laga dardaarmay ayaa ahaa mid aan garaneyn habayaraatee Nasiib darrose isagii ayaa noqday kii kahor dhintay kuu dhaxal sugaha u ahaa”

Ujeedada ayaa ah hadii Dad iyo Deegaan looga dhigay Shakhsi aan garan Karin Masuuliyada Dadkaas loogu dhiibay tallow Maxay noqon kartaa Garashada cida Hogaanka dadkaas ugu dhiibtay.
Axsaan iyo wanaag uma hayo Labada nin ee Kala hogaamisa Jubbaland iyo Galmudug ee ay Shakhsiyaadkani ku xigeenada u yihiin, Waayo Guuleed oo horay u hanan waayay Amniga Hal magaalo kuna fashilmay Barqo cadne iska casilay, ayaa laba gobol iyo wax ku dhaw Hogaan looga dhigay, Talow maxaa laga filan karay shakhsi Shaqo ku fashilmay ee mid ka mug iyo miisaan culus qoorta loo gashay, Adiguba Garo !!!
Axmed Madoobe Hogaamiyaha Jubbaland ayaa dhiniciisa lawada garan karaa sida uu kusoo baxay una noqday Hogamiye Sadex Gobol, arintaas oo ay ka shaqeeyeen Dowladaha Dariska la ah Dalkeena, Taariikhda Axmed Madoobe ayaa ah mid Cidkastaa oo soomaali ah ay ka dharagsantahay, waxaa lagaran karaa inuu kamid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii dalka iyo kuwii diinta balse Gadaal ka cadeystay Bareerihiisa.
DULUCDA IYO NUXURKA QORMADA.
Nuxurka Qormadan ayaa ah ka hadalka Madaxweyne Kuxigeenada aan garaneyn Masuuliyada iyo mansabka ay wax ku yihiin hase ahaatee isu haysta Manxiisayaal Aroos.
Marka inan iyo inan mayee Wiil iyo gabar Iscalmadaan Qorsheystaan Hanaan guur oo ay meel kuwada dagaan waxaa loo sameeyaa badanaa Mashxarado iyo fantasiyo, lagu muujinaayo sida loogu faraxsanyahay Guurkooda iyo in uu alle Makaniyo makaan ay ku xasilaan Awlaad sane kuwada daadahshaan, Waxase habeenka Arooska iyo goobta caweynta yimaada Arooska iyo Aroosadda oo ay Hareer socdaan Laba Manxiis oo wiil iyo gabar ah kuwaas oo midba Midka ay isku jinsiga yihiin Garab istaaga si Cabsida iyo argagaxa labada lamaane looga saaro, ama loogu muujiyo in la garab taaganyahay, waxaana Labadaas Shakhsi ee Boos buuxiska ah loogu magacdaraa Manxiisayaal Aroos.
Maxay tahay Sababta aan Masuuliyiintaas Xilalka haya ugu tilmaamay Manxiisayaal aroos??..
Ha ila boodine Akhrista aayar eeg Sadarada soo socda.
MAXAMED XAASHI GANEEY.
Aan ku hormaree Maxamed Xaashi Ganeey oo ah madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug waa Shakhsi kasoo jeeda Waqooyiga Gobolka Galgaduud, Deegaanada ugu badan ee dhinaca Baahiyaha Maamul, Waxbarasho Caafimaad iyo kaabayaal Dhaqaale ee Maamul goboleedka Galmudug ayuu kasoo jeedaa Nasiib darose uma jeedo ama uma muuqato awoodaha Dastuuriga ah, mayee kuwa qabiilka ee wayadaan wax la isku siiyo ee uu meesha ku yimid, taasi badalkeeda wuxuu kadoorbiday inuu ka hoos shaqeeyo, mayee dhageysto Awaamiirta Cabdikariim Xuseen Guuleed oo qudhiisa aan rabitaanka dadkiisa Ku soobixine kuyimid nin tooxsi iyo taageerida Ururka Damuljadiid.
Wuxuu sal dhigtay Cadado oo xarun Kumeel gaar ah u ah Maamulka uu kuxigeenka ka yahay, Booqashada uu ku tagay Deegaanka uu xilka iyo mansabka ku helay tiro aan ka badneyn sadex Jeer mudada uu dhisanyahay Maamulka Galmudug ee labada sano ku dhaw, waxaa intaas u dheer in Dagaalo iyo colaado laga soo abaabulay Cadaado uu ka abuuray Cabudwaaq taasi oo ay ku nafwaayeen dad badan oo ku hayb ah, jifo hoosaadyo beeshisa ka soo jeeda ayuu isku laayay si uu u hirgaliyo maamulka Galmudug oo intabadan deegaanada waqooyiga Galgaduud laga diidanyahay, sababo la xiriira iyaga oo aan tixgalin lasiinin bilowgii dhismaha Maamulkaasi Galmudug.
Marka Laga sootago diidmada Garnaqsiga ku saleysan ee ree cabudwaaq ay kala horyimaadeen Maamulka Galmudug oo uu Madaxweyne Kuxigeen Maxamed Xaashi Ganeey isku taxuujiyay in muquunin xoog ah uu ku hirgaliyo Maamulkaas, hadane dadka Ree Waqooyiga Galgaduud ayaa qaba in la is daba qabto laganatashto Maamulkan Galmudug.
Arinta ugu daran ee uu waayadaan dambe ku kacay ayaase ah in si aan ka gambasho laheyn uu u faragaliyay Kuraasta Beesha Sade ee Cadaado taalay, kuwaas oo muquunin iyo nin jecleysi lagu sosoaaray, inkastoo aanan jecleyn inaan ka faaloodo shakhsiyaad aan wanaag badan ku tuhmayo oo kuraastaas qaarkood kusoo baxay hadane wuxuu Maxamed Xaashi Ganeey lawareegay Doorkii hogaamineed ee Ugaaska Beesha Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy oo la’aantiis lasoo saaray Kuraastii Sade uu kulahaa Maamulka Galmudug, Hadane Shakhsiga sidaas sameeyey ayaa ah madaxweyne Kuxigeenka, waxayna qaadista talaabadaas ku kordhisay Kiis horleh kiisas iyo tabashooyin badan oo beeshiisa ay katabaneysay.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa arinta ugu weyn ee lagu eedeeyo waxa ay tahay Fulinta awaamiirta Guuleed oo Dasrtuuriyan aan xaq u laheyn inuu wax faro, balse ay tahay in wadatashi iyo wax islajeexitaan ay kuyimadaan talaabo kasta oo ay tahay in laqaado, taasi ayaana ah Sababta aan Manxiise aroos ugu magac daray, ileen Manxiisku sameyn mayo wuxuusan raali ka aheyn shakhsiga Caruuska ah ee uu hareer taaganyahay e .
MAXAMUUD SAYID AADAN.
Waa Siyaasi Ree Gedo ah Muddo dheer oo burburkii kadib ah ilaa maantane Siyaasadda kusoo dhexjiray, Xilal kala duwan oo Wasiir, Xildhibaan ilaa Madaxweyne Kuxigeen Maamul soo qabtay, Xilka uu hadda hayo ku helay Shir dib u heshiisiineed oo beeshiisa iyo Axmed Madoobe Kismaayo ku dhexmaray Bilowgii Sanadkan, hase ahaatee aan anigu u arko in Axmed Madoobe uusan daacad ka aheyn Magacaabistaasi, sideey dooniba haku timaadee mar un uu kuyeeray magaca Madaxweyne Kuxigeen, asaga waxaa Madaxweyne Kuxigeenimada u dheer inuu kasii hoseeyo Madaxweyne Kuxigeen labaad, oo Deegaan iyo dadba uu kaga awood iyo tiro badan yahay .
Marka laga reebo in Isbadalo maamul oo sababay Gacan kahadal ayna kasimanyihiin isaga iyo madaxweyne kuxigeenka Galmudug wuxuu dheeraa kiisas kale oo Deegaanka uu matalo qudhiisa uu kasii galay waxaana kamid ah waxyaabaha lagu eedeeyey.
1, Iibsashada iyo ku takri falka Raashin Gargaar oo Dowladda Turkiga ay ugu deeqday Jubbaland in uu iibsaday Qeybtii Gobolka Gedo ee isaga masuul ahaanta loogu wareejiyay, arintaas waxaa cadeynteeda horay usoo bandhigay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gedo Axmed Maxamed Buule “Canjeex” oo xitaa soo gudbiyay Tirada raashinka la iibsaday shakhsiyaadka uu hormuudka u ahaa Maxamuud Sayid aadan ee Raahsinkaas iibsaday iyo goobaha lagu iiiyay Intuba.
2, ku saleynta Magcaabid Maamul Qaab dhaafsiisan matalaada guud ee uu qabiilka matalo, isagoo dhamaan Degmooyinka Gobolka Xilal uga dhiibay Jifada uu ka dhashay ee uu magaca guud ee Sade kasii yahay, taasine waxay dadka wax naqdiya ku sheegeen ineey tahay Waxyaabaha ugu badan ee Khaladaadka ah ee uu galay Maxamuud Sayid mudaduu xilka hayay, wallow wali uu kusii indha cadyahay, ooba ay ugu dambeysay Digreeto gadaal uu ka beeniyay oo uu wax kaga badalay Maamulkii Gobolka Gedo iyo kii Degmada Garbaharay.
3, Dalacsiinta Ciidamo ka tirsan kuwa xooga Dalka Soomaaliyeed Qeybtooda Gobolka Gedo, kuwaas oo uu tiro uu ka codsanaayo in la dalacsiiyo u gudbiyay Madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kasokow inuusan Awood u laheyn codsiga iyo soojeedinta Dalacsiintaas hadane waxa aad looga sii carooday hanaanka uu kusoo xushay tirada uu soo gudbiyay in la dalacsiiyo, oo qoys qudha ka koobneyd, kuwaas oo dhamaantood kujifo ahaa Maxamuud Sayid Aadan, hadane fadeexada kasii darneyd ayaa aheyd Tirada ciidamada oo aheyd 41 Qof oo 23 kamid ah aysanba ciidamada ka tirsaneyn aahaayeena Magacayo la iska qoray sida uu Qoraal uu soo saaray ku sheegay Taiyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo Korneyl Sanka Cadow Cali.
4, Ma uusan aheyn shakhsi ku sugnaa Xaruntii Maamulka Jubbaland sadex meelood labo mudadii uu xilka hayay, taasine waxay sababtay in xilkii uu ku magacownaa uu si rasmi ah ula wareegay kuna shaqeynayayba Madaxweyne Kuxigeenkii labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Lugadheere.
Dhamaan Eedahaas iyo kuwo kale oo kabadanba waa eedeymaha la xiriira Maxamuud Sayid Aadan Mudaduu xilka hayay, waxaase asaga usii dheer inuu yahay Shakhsi la magacaabay ee aan doorasho iyo Codeyn sidii doonaba haloo ekeysiiyee Kuyimid sida Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Ganeey, Tiiyoo ay dheertahay in Mooshin xilkaqaadis ah ay wadaan Mudanayaasha Baarlamaanka Jubbaland Qaarkood kuwaas oo dhaliilsan shaqo gudasha la’aanta uu ku kacay Maxamuud Sayid iyo ku tumashada Dastuurka Mamaulkaasi u dagsan, Xildhibaanadaas oo u badan kuwa Beeshiisa.
Tanina waa sababta labaad ee aan Maxamuud Sayid Aadan ugu tilmaamay Manxiis Aroos, Bacdamaa uu kasoo dhalaali waayay Masuuliyadii hogaamineed, Midii deegaan iyo tii dadeed ee kasaarneyd Dadka iyo deegaanka uu Magacooda Mansabkaas ku helay.
MAXAA LA GUDBOON MADAXWEYNE KUXIGEENADA ?.
Taladeydu waa mid qudha taasi oo ah Muujinta Mansabka ay Magac bulsho badan ku heleen iyo u adeegidda Bulshooyinka ay Matalaan, oo tirsanaayo in Magacooda hoos loo dhigay hadiiba ragii xilalkaas ku helay ay noqdeen Manxisiayaal Aroos wax lagu tilmaami karo.
MAXAA LA GUDBOON DHINACOODA DADKA AY IYAGU MATALAAN?.
Iyado oo awalba aysan rabitaanka Bulshooyinkaasi k helin xilalka iyo mauuliyada ay hayaan hadane Magac iyo musiibaba Maalin bey baxdaaye, waa in dadka lamatalo dhinacooda ay dhexda marada ku xirtaan, laba daran mid doorane ay qaataan.
Waa mid e in ay baalaan, la shaqeeyaan lana xisaabtamaan Siyaasiyiinta ay labadani siyaasi ugu horeeyaan, kuwaas oo ay kula xisaabtamaan xilalka ay Magacooda ku heleen hase ahaatee aysan manfaceeda soogaarin iyo mida labaad oo ah in ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sideey isaga horleexin lahaayeen Colooshiis u shaqeyste kasta oo Magacooda iyo Mansabkooda xilalka ku muta, deedna ay soo saartaan Hogaamiyayaal layaqaan oo matali kara Bulshooyinka ay kadhasheenn ee ku kala nool Jubbaland iyo Galmudug.

W/Q: Shaafici Cafaash
Mshaafici121@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.