ceebtii cabdi cali raage gudoomiyihii gudigii doorashooyinka jubaland

rage

Xili Madaxweynaha Jubaland uu xalfad sagoontin ah u sameynayey Xubnaha labada aqal ee barlamanka cusub ee jubaland u matali doona faderalka somaliya ayaa waxaa masraxa xiriiriye ka ahaa Gudoomiyihii Gudiga doorashooyinka dadban ee jubaland Abdi Ali Raage oo markii danbe laga wareejiyey mikrofoonkaa kadib markii uu dhex dabaashay ceeb xun.

Abdi Ali Raage ayaa ku bilaabay hadalo daah fur uu ka rabey balse ku dhaliyey ceeb iyo fajac madaxdii kala duwaneyd iyo dhamaanba kasoo qeyb galayaashii xalfada.

Wuxuu ku bilaabay hadaladii ugu horeyn waxan salamayaa madaxweynaha jubaland marka labaad waxan salamayaa madaxweyne ku xigeenka barlamanka jubaland

Halkee lagu arkay madaxweyne ku xigeen barlaman?

Markale waxaa uu rabay in uu mid kamid ah xildhibaanada cusub ee faderalka Soomaliya uu madaxeynaha jubaland ugu dhiibo shahaadadii aqoonsiga xildhibaanimho si uu u gudoonsiiyo balse waxa uu sheegey Abdi Ali Raage in uu dhashay sideetan iyo shantii uuna jiro xiligaan labaatan iyo sagaal sano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.