Masuuliyiinta Jubbaland Xilkooda ma u badax banaan yihiin??? Qormo Xiiso badan!!!

jubba

Qormadaan waxaan ku eegi doonaa taytalada qaar kamid ah masuuliyiinta Maamulka Jubaland oo xaqiiqatan ah masuuliyiin aan buuxin booska ay joogaan iyadoona taytalka xubnahaasi ay adeegsadaan dad aan shaqo ku lahayn.

Tusaale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland Cabdi Nuur Cali Aadan waxaa uu kamid yahay wasiirada Jubaland islamarkaana aan ka muuqan booska shaqadiisa balse shaqsiga buuxiyey booskiisa ayaa ah Agaasimaha JubalandTV Cabdinasir Saxansaxo sharafka dhaca masuulkaan qaawan ee lagu xadgudbay shaqadiisa ayaa ah mid ka hurdo arimahaasi hadii aan idin xasuusiyo waxa jirey shirar lagu casuumi lahaa Wasiirka Warfaafinta Jubaland balse shirarkaasi oo qeybo kamid ah ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka qayb galay Cabdnasir Saxansaxo Agasimaha Jubalandtv. ,

Dhanka kale Wasiirka ayaan awood u lahayn ka hadalka xadgudubka warbaahinta waxaase iila yaab badnaa markii qaar ka mid ah warbaahinta loo diiday in ay tabiyaan doorashadii xubnaha aqalka hoose ee barlamanka dalka ee laga soo doortay jubaland uu wasiirku damcay in uu ka hadlo balse uu kala kulmay Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Cabdi Raage aflagaado iyo hanjabaad ku aadan ka hadlista xaquuqda warbaahinta waxana hal kaasi kaaga cad in lagu tuntay awoodiisa shaqo waxana muuqato ixtiraam la’aan haysato masuulkaan ka seexday shaqadiisa.

Agaaasime Abdinasir waa Nin dhallinyaro ah oo xirfad u leh Saxaafada kana mid ahaa GSD,balse arrinta ku kalifay in uu Sharci darro ku shaqeeyo ma garan karo baahida intaas le´eg.

Sidoo kale waxaa kamid ah masuuliyiinta aan ka dhex muuqan taytalkooda Duqa Maggaalada Kismaayo Maxamed Ibrahim Yusuf [Tima Jilic] iyadoona howlihii uu qaban lahaa Gudoomiyaha degmada uu qabto Bashiir [ Mudulow] Xoghayaha dowlada hoose ee degmada kismaayo,waxana gabi ahaanba booska ka baxay shaqadii uu lahaa duqa degmada kismayo oo xiligaan u taagan magac u yaal dhibaateynta hor istaaga howlaha shaqo ee uu ku shuqul lee yahay Gudoomiyaha Degmada Kismayo mahaan mid caad ka saran laf ahaantiisa balse waxa uu waayey awood iyo si atkeyn uu kaga hor tago arintaasi waxaa intaasi u dheer Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Maxamed Ibrahim Yusuf [Tima Jilic ] tacadiyo ka dhan ah xaquuqul insaanka oo loo geystay naftiisa iyo maalkiisaba tacadiyada loogeystay ayaa waxaa ka mid ahaa xarig jir dil sidoo kale isagoona laga dilay qar kamid ah istaafkiisa duqaan waqtigu ciilay ayaa iminka u muuqdo mid ka fadhiyo bananka shaqadiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka koobaad ee Mamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan Oo ah awooda labaad ee jubaland ayaan ka dhex muuqan taytalka shaqadiisa iyadoona uu boos riix dadban kala kulmayo wasiirka amniga jubaland Cabdi Rashiid [Janan] oo ku xadgudbo shaqada masuulkaan inta badan ka maqan warbaahinta Maxamuud Sayid Aadan waa Madaxweyne Kuxigeenka koobaad ee Jubaland balse ma ahan masuul had iyo jeer ka dhex muuqo jagadiisa waxaase laga cabsi qabaa in laga xayuubiyo xilka iyadoona la tuhmayo in lagu wareejiyo shaqada Maxamuud Sayid Aadan Wasiirka amniga jubaland Cabdi Rashiid [Indho Koreey] kasoo hada si dadban ula wareegey howshi Ina Sayid Aadan.

Dhanka kale waxaa jiro Masuuliyin mug iyo Magac ku leh siyaasada dalka islamarkaana jigooyin waaweyn ka hayo mamulka jilicsan ee jubaland oo noqday dad la haystayaal ah kadib markii ay la qabsadeen jadwalka looga howl galo jubaland iyagoona qof kastaahi uu ilaalsanayo naftiisa aya waxay keentay taasi in aysan jirin masuul ka hadli karo dhaliilaha dowlada jubaland waxayna arintaasi sawir guud kaaga bixineysaa in jubaland ay ka taliyaan hal qabiil oo aan ogoleyn awood u dhiganto maqooradka mamulkooda qabiilkaasi oo ah qabiilka ogaadeen hadii aan inyar tusaale kaa siiyo ccidamada mamulka jubaland 100% 81 waa ogaadeen kuwaas oo ka kala yimid itoobiya iyo Kenya magalada kismayo waxay leedahay labo idaacadood iyo hal TV waxana iska leh ogaaden mana jirto muwadin Somaliyed oo aan ahayn beesha ogaden oo loo ogol yahay in uu ka furto warbaahin gudaha magalada kismayo,sidaasi darted shaki galin maysi in magalada kismayo ay ka taliyaan hal qabiil oo sameyso waxay doonan.

Madaxweynaha jubaland waxay masuuliyiintu inta badan ay sheegaan in uu yahay daacad balse qormadan ayaad ku ogaan doontaa in ayney waxba ka jirin arintaasi turufada dad rabo in ay ilaalsadaan naftooda balse ka leexday shaqadii ay u hayeen bulshada somaliyed ee fiirsaneyso mamulkan taagta daran ee jubaland ayaa sare u qaadey sheegis la’aanta ciladaha mamulka jubaland Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed [Islam] ma ahayn madaxweyne ;lagu doortay rabitaanka shacabka jubaland balse waxa uu ahaa madaxweyne xoog iyo awood ay ku madaxweyniyeen qabiilkiisa wana mida kaliya ee u suurta galisay in uu noqdo Magaca Madaxweyne ee jubaland.

Doorashadii Madaxweynaha jubaland kadib waxaa uu balan qaadey in uu kordhin doono xildhibaanada jubaland oo tiro ahaan garayo 65 xildhibaan islamarkaana uu ku dari doono 10 xildhibaan oo ka socoto guud ahan beelaha uu hora u dulmiyey oo ay ka mid yihiin Beesha Yusuf daarood Awratble ee degta deegaanada jubaland balse wadatashiyo badan oo u la sameeyey Madaxweynaha odayaasha dhaqanka beeshiisa iyo siyaasiin ayaa waxaa culeys ay ku saareen in uusan ku dag dagin arintaasi taasina waa mida keentey in ay soo daahdo balan qaadyadii uu u sameeyey beelaha laa dulmiyey ee degta Jubaland Madaxweyne Axmed Madoobe daah kagama jiro in jubaland ay mamulaan halbeel kuwaas oo meel mariyo rabitaankooda Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed [Islam]

Waxaan idin ku nasinayaa Qormadii ahayd Masuuliyiinta Jubbaland Xilkooda ma u badax banaan yihiin??? ! Gabaygii ahaa ´´Maxaa umadii badalay´´ ee uu Curiyey Abwaan Abdullaahi Hassan Ganey.

Dad yahaw eedaamayaa.

Siyaasiga Eexda badan.

Siyaasiga aan arxamin.

Siyaasiga Umulka weyn.

Siyaasiga aan ogayn-

Ishaad leedahay Bulshow

Siyaasiga aan aqoon

Dantiisa waxaan ahayn

Siyaasiga aan lahayn

Afkaar iyo Aragti dheer.

Siyaasiga aan arkayn

Waxaan afaciyo iyo Ku ool

Duxiyo Oon iyo Gasiin.

Siyaasi la oogdhitoo

Afkiisa & labada daan

Hadduu kugu helo Adduun

Kurtiin idin Iimaan lahaa

Ayaad u afduuban tihiin.

Qoraalkaan Wuxuu noqonayaa Taxane ilaa wax laga saxayo,maxaa yeelay aniga qoraya ma nebci Jubalanad iyo Qaba´illadda degga,balse waxaan rabaa in wixii khaldan la saxo..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.