Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlaayo Musuq Maasuqa Hareeyey Doorashad Soomaliya oo ka dhacay Xalane “Masawiro”

Kulankaasi waxaa ka qeybgalay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating Gudoonka Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhegey, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo gudoomiyaha gudiga heer Qaran ee doorashooyinka 2020-ka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yareey”.

Keating oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay iney muhiim tahay dedejinta doorashooyinka isagoo tilmaamay in muhiim ay tahay in la soo dhameystiro doorashooyinka aqalka hoose, kumana Faraxsanin Wararka Ka imaanaya maamul goboleedyada sida Galmudug.

Kulanka ayaa looga dooday sidii loo hagaajin lahaa doorashooyinka loona soo dhameystiri lahaa xubnaha aqalka hoose si ay u doortaan guddoon baarlamaan kadibna madaxweyne ay u doortaan, Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka. Cumar Dhegeey ayaa ka warbixiyay xaaladda doorashada iyo heerka ay iminka marayaan isagoo tilmaamay in ay jiraan Musuq maasuq walow uusan sameeyn Kuraastoo dhan waxaa kaloo sheegey in doorashooyinku ay iminka marayaan heer gabagabo ah.
un-dorasho-1

un-dorasho-2

un-dorasho-3

un-dorasho-4

un-dorasho-5

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.