Bandhig Carwo ganacsi oo laga daah furey degmada Baardheere(Daawo Sawwiro+Dhageyso)

Bandhiga carwadani oo ahaa noocii ugu horeeyey ee degmada Baardheere lagu qabto muddo ka badan ilaa 30 sanno ayaa ahaa mid dadkii ka qeyb galey ay ku soo bandhigeen Noocyada kale gedisan ee Alaabaha ganacsiga,sida Bagaashka,Dharka,qalabka guryaha lagu sharaxo,raashinka bisil noocyada Dalaga ka baxa beeraha iyo qalabka kale ee hidaha dhaqanka,waxaana xafladii lagu soo bandhigayey Carwadan goobjoog ka ahaa Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere,Odoyaasha ,Haweenka,Dhalinyarada,Ganacsatada iyo waxgarad kale oo tirsan degmada.

ka hor inta aanan la soo bandhigin Carwadan ganacsi ayaa waxaa ka horeeyey seminaar loo qabtey dad gaaraya ilaa 25 ruux oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere,ujeedka seminaarka ayaa ahaa sida loo horomarin karo Ganacsiga iyo habka shaqo abuurka ee xirfadaha kala gedisan,waxaana taabageliyey qabsoomidiisa Mashruuca Dalbile
Xuseen Cabdi Saalax oo ah Xiriiriyaha Mashruuca Dalbile ee degmada Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay tababarka loo qabtey ka qeyb galayaasha oo tiradoodu ay ilaa 25 ruux in ujeedadu ay tahay sidii loo horomarin lahaa ganacsiga degmada,isagoo sheegayna mashruucan oo socon doono ilaa 3 sanno in ay dadka deegaanku ay ka faa,ideysan doonaan,islamarkaana ganacsiga ay kobcin doonaan.

Mana ahan markii ugu horeysay ee Semenaar noocani oo kale ah Mashruuca dalbile oo kaashanaya hay,adda IOM ay u qabtaan Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.

Hoos ka dhageyso Codadka Bulshada ku dhaqan Baardheere

Halkaan Ka Daawo Sawirada,
dsc00152

dsc00169

dsc00177

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.