TOP News : Kulan ay kasoo qeybgaleen Ugaaska Beesha Sade iyo Xildhibaan Magan oo Kismaayo ka dhacay “Maswiro”.

Kulan balaaran oo uu soo qabanqaabiyay musharax laga reebay tartan doorasho oo kismaayo dhawaan lagu soo gabaganeeyey ayaa maanta ka.dhacday Hotel AGAN ee Magaalada Kismaayo.

Maxamed Cabdi Oogle oo ahaa qabanqaabiyaha kulankani, ayaa ku casuumay martiqaadkiisa, bulsho ku hayb ah oo ay kamid ahaayeen Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi Xildhibaanka qaran ee dhawaan Dib loo doortay Mudane Maxamuud Cali Magan Musharaxii la tartamay ee ibraahim DHeere Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Jubba marwo Fadumo Nine iyo ergooyinkii dhawaan.doortay Xildhibaan Magan.

Kulanka.oo ujeedadiisu aheyd isu uurxaarid,iyo isu soocelin bulsho kukala tagtay doorashadii dhawaan kismaayo ka dhacday ayaa ugu dambeyn laga soosaaray bayaan dhowr qodob kakooban.

Ugaaska.Beesha Sade Xildhibaan Magan Musharax Ibrahim DHeere Xildhibaanad Faadumo Nine iyo Maxamed Cabdi oogle oo dhamaantood hadlay ayaa.sheegay muhiimada ay leedahay midnimada Beesha iyo in dadka kala irdheysan la.isu sooceliyo lana isu uurxaaro.

Gabgabadiine ismarxabeyn iyo salaan gacaltooyo ayuu kulankii kusoo idlaaday sidoo kalane Xildhibaanka Dib loo doortay ee Magan ayaa.loogu duceeyey in waajibaadkiisa shaqo uu alle u fududeeyo halkiisane uu kasiiwado dadaaladii uu horay uwaday.

HOOS KADAAWO SAWIRADA KULANKA.
ugasmagan-1

ugasmagan-2

ugasmagan-3

ugasmagan-4

ugasmagan-5

ugasmagan-6

ugasmagan-7

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.