Ururka udooda Xaquuqul insaanka ee faanoole human rights oo ku eedeeyey Juubaland Inay Tacdiyo Geysteen “Dhageyso”

fanoole

fanoole

Ururka udooda Xaquuqul insaanka ee faanoole human rights ayaa markii ugu horaysay warbaahinta la wadaagay dhibaatooyin Xoogan oo la xiriira xuquuqul insaanka kuwasoo ka dhacay deegaano ka mid ah jubaland ,
Waxyaabaha uu ururka soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah dad la xukumay iyagoon wax maxakamad la soo saaarin dad loo gaystay dil barer ah ,dilwadreedyo ,dad lagu jiiday baabuur iyo kuwa lagu riday wabiyada meel u dhow deegaanka dolow ee gobalka gedo ee jubaland.
Karar Aaadan Rukow oo ah Gudoomiye ku xigeenka Faanoole Human Rights ayaa warbaahinta u sheegay in labadii sano ee ugu danbaysay ay dheceen falalkii ugu xumaa ee la xiriiro xuquuqul insaanka ,
DHibanayaasha loo gaystay dhibaatada ayaa waxaa ka mid ah odayaal dhaqameed caan ka ah jubaland ,ganacsato laga dhacay hantidooda,shaqaalo u shaqaynayay haayadaha samafalka oo loo geystay xarig iyo jirdil iyo iwm
Wareysi ay baahisay voa,da ayaa lagu sheegay in ay jiraan shaqwsiyaad la tuhun san yahay in ay ku lug lee yihiin tacadiga ka dhacaya meelo ka mid ah jubaland.
Wasiiro iyo xilldhibaano ka tirsan jubaland ayaa lagu eedeyay in ay ku lug lee yihiin waxyaabaha dhaca ee ka dhan ka ah xuquuqda insaanka.
Mr Rukow ayaa waraysigii u siiyay voa,da ku sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo dhowrsta xad gudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee tabarta daran.
Waxaa ururka uu codsanayaa in beesha caalamka ay fiiro gaar ah u yeelato waxyaabaha ka dhacaya gudaha maamulka jubaland ee la xiriiro tacadiga dadka shacabka ah,
Tiro haween ah ayaa la kufsaday dhowr sano ee ugu danbeysay waxaana ka mid ahaa haweenka la kufsaday kuwa ku noolaa xerooyinka barakacayaasha kismaayo iyo dhoobley.

Ururka faanoole waxaa bishii july uu qabtay kiisaskii ugu badnaa ee la xiriiro kufsiga haweenka ku nool xerooyinka barakacayaasha ee jubaland.
Ugu danbayn waxaa ururka uu ku baaqayaa sidaan.\
1. In si deg deg ah talaabo looga qaado dadkii ku lugta lahaa tacadiga ka dhacay jubaland,
2. Haayadaha UN,ka in ay fiiro gooni ah u yeeshaan dhacdooyinka iyo qaabka loo la dhaqmaya dadka ku nool deegaanada mugaanbow iyo gosha oo iyaga had iyo jeer la kulma dhibaatooyin isugu jiro faquuq iyo weeraro barer ah .
Iyo in maamulka jubaland cadaadis lagu saaro in maamulka uu joojiyo magacaabista shaqsiyaadka lagu tuhmayo dhibaatooyinkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.