Guddiga doorashooyinka iyo guddi amniga doorashooyinka oo tegay Jowhar “SAWIRRO”

Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban iyo guddiga amniga doorashooyinka Qaran oo tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Dhagey oo ay la socdaan, guddoomiyaha guddiga Amniga doorashooyinka ahna taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo taliyaha hey’adda Nabad-sugidda, Jeneraal Cabdullaahi Maxamuud Caafoow, u jeedada ay Jowhar u tageen waxa ay la xiriirta shaqaaqadii habeen hore ka dhacdey magaaladaasi, xili ay socotay doorashada mudaneyaal aqalka hoose u tartameysay.

Wefdiga, ayaa kulammo la yeelan doonna guddiga doorashooyinka Federaal ee dowlad gobolleedka Hir-shabeelle, saraakiisha amniga iyo waxgaradka ay ku jiraan ergadii ku sugneyd markii ay is rasaaseynta ka dhaceysay Jowhar.
wafti

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.