Ururwaynaha Sade Diaspora Forum oo Diraaya Baaq Nabadeed udiraya Caabudwaaq

​​​BISMILLAHI RAXMANI RAXIIM

Ururka ay ku midaysan yihiin badanaa qurba joogta beesha Sade ee loo yaqaan Sade Diaspora Forum (SDF) waxa uu ugu horayn ka tacsiyeeynaynaa geerida dilalka ah oo foosha xun oo maalin walba ka dhacda magaalada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda, waxaan eebe ooga baryaynaa inuu u dambi dhaafo samir iyo Imaanna ka siiyo qoysaskii iyo ehaladii ay ka geeriyoodeen dadaka maalin walba halkaa lagu dilo.
Waxaan kaloo Allah ka baryaynaa in uu caafimaad siiyo intii ku dhawacantay shaqaaqada foosha xun ee magaalada ku soo noq noqota.

Waxaan ka codsanaynaa dhammaan Isimada, Culimada, Cuqaasha, Hooyooyinka, waxgaradka iyo dhalinyarada ku nool gobalada dhexe gaar ahaana nawaaxaiga waqooyiga Galguduud siiba magaalada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda inay ka hortagaan wax walba oo colaad keeni kara, waxaanan ugu baaqaynaa inay xoogga saaran sidii ay u soo afjari lahaayeen xalna ooga gaari lahaayeen wixii maanta dhacay kana hortagaan inaysan dib dambe u dhicin waxaas iyo wax la mid ah oo caado ka noqotey in ay soo noq noqdaan.
Waxaan leenahay nabad ayaa naas la nuugo leh xabadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee kashaqeeya xasiloonida iyo nabad ku wada noolaashihiina.

Hadaan nahey Urur weynaha Sade Diaspora Forum na waxaa naga go aan ah in mar dhow aan wafti balaaran oo iskugu jira Aqoonyahano, Culumo, hooyooyin iyo wax garad kalaba aan u soo diri doono inshaa alaah Gobalada dhexe ee soo maaliya gaar ahaana meelaha reerku u badan yahey gaar ahaan wali Caabudwaaq si ay ugala qeyb qaataan wax ka qabasghada dhibaatada ragaadisey deegaanadoodii iyo sidii xal waara loogu heli lahaa deegaanadaa inshaa alaah.

Wabillahi Towfiiq

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.