Ciidamada Dowladda Federalka Soomaliya oo la wareegay deegaanka Ceel Garas

ciidan

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa dib ula wareegay deegaanka Ceel Garas ee gobalka Bakool, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Deegaankaan ayaa ka mid ah deegaano dhowr ah oo ay horay uga baxeen ciidanka Itoobiya, isla markaana ay la wareegeen maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in markii Al-Shabaab ay ka war heleen in ciidamada dowladda ay ku wajahanyihiin deegaankaas ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaanka taasina ay keentay inay si nabad ah ay kula wareegaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.