Dhagesyso:Ugaas maxamed ugas xaashi iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee jubaland fartag ayaa baaq nabadeed u diray caabudwaq iyo galkacyo

Xili maal maalmihii la soo dhaafay ay iska hor imaad dagaal uu ka jiray Magalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta Magalada Kismayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hose baaqyo nabadeedsi wada jir ah u diray Ugaaska Guud ee beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenkii Hore ee jubaland Cabdulahi Sheikh Ismail [Fartaag]

Ugaaska beesha sade oo ku hor maray hadalka baaqa ayaa sheegey in magalada Caabudwaaqay aysan u baahneyn dagaalo ka dhaco waxana uu intaas raaciyey in beesha sade ay san noqon umad fowdo ah si buu yiri beelaha kale aysan fikrad qaldan uga aaminin.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Jubaland Abdulahi Sheik Ismail Fartaag ayaa soo jeediyey hadalo aan ka fogeyn hadalka Ugaaska isagoona si gaar ah baaq nabeed ugu diray mamulada Galmudug iyo Puntalnd oo ku dagaalamayo Magalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug.
Listen to “Ugaas maxamed ugas xaashi iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee jubaland fartag ayaa baaq nabadeed u diray caabudwaq iyo galkacyo” on Spreaker.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.