TOP News: Xaaladda Degmada Caabudwaaq oo dagan, iyo Galmudug oo kaalin kuleh hurinta colaadda Degmadaasi.

Waxaa saaka xaalad daganaan oo aan,cagabadan,ku taagneyn laga dareemayaa degmada caabudwaaq ee waqooyiga gobolka galgaduud, taasi oo shalay,ay kadhaceen dagaalo aad u,culus。

Odayaasha deegaanka ayaa wado dadaalo lagu dhexdhexaadinaayo beelihii shalay ku dagaalamay gudaha degmadaasi,.

Inkastoo isku dayo hore oo sidaan,oo kale ay u sameeyeen waxgaradka degmada hadane waxay,ahaayeen kuwo aan,guuleeysan.

Midkamidka ah waxgaradka Deegaanka oo aan kula xiriiray khadka Telefoonka ee degmadaasi ayaa ii xaqijiyay in xasiloontahay,degmada iminkani, walow uu rajo xumo ka muujiyay in markastaa ay xaaladu isbadali karto.

Nabadoonkani oo ka gaabsaday in magiciisa la xigto ayaa sidoo kale iisheegay in.mashaqada caabudwaaq ka dhacday ay ka dambeeyaan Maamulka Galmudug, kadib markii buu yiri ay,isku dhaceen iyaga.iyo ugaaska.beesha sade,wuxuuna hoosta.ka.xariiqay.in colaadahani ay uga goleeyihiin in laga.mashquulo la xisaabtanka siyaasadeed ee cadaado kajira.

Wixii kusoo kordha wararkeena dambe kala.soco insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.