Daawo:Munaasabad aysoo qaba qaabiyeen Ururka JIJa oo lagu xusaayey ka hortaga Tacadiyada Wariyeyaasha

Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu qabtay munaasibad ballaaran oo si heersare ah loo soo agaasimeyay taasoo ay Wariyeyaasha Jubbaland ee ku mideysan ururka Saxafiyiinta Jubbaland ee JIJA ay ku maamuusayeen maalinta caalamiga ah ee ka hortaga Tacadiyada Wariyeyaasha .

Masuulyiintii munaasibada ka soo qeyb gashay ee hadalada ka jeediyay waxaa kamid ahaa Madaxweyne ku xigeynka Dowlad-gobbolleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, Gen. Cabdllaahi Ismaaciil Fartaag oo ah Sanatar ka tirsan Aqalka sare ee Qaranka, Afhayeenka Jubaland Cabdinaasir Seeraar Maax, Afhayeenka Ciidamada Nabad sugida Jubaland Axmed Carab, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Mudane Shaafi Raabi Kaahin, Xildhibaano iyo masuul yiin kala duwan oo ka torsan Jubbalan, waxaana dhamaan masuulyiintaan ay munaasibada ka jeediyeen hadalo ku aadan maalintaan.
Sidoo kale waxaa munaasibada ka hadlay Gudoomiye ku xigeynka ururka JIJA Maxamedqaasim Cali Waxar, Golaha sare ee ururka JIJA oo kala ah Aadan Maxamed Salaan, Cabdikhadar Iimaan Dhaqane, Sahra Bishaar, Xassannuur Maxamed iyo Wariyeyaal kale kuwaasoo munaasibada ka soo jeediyay muhiimada labada November iyo xaaladda Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.